Isbaheysiga haya talada Itoobiya oo uu khilaafkoodu bannaanka usoo baxay

Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya.

Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF.

Arbacadii, xisbiga TPLF ayaa ku eedeeyay xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna ay carqaladeeynayaan amniga gobolka.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli bishii hore isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare.

“Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha iyo waa inay raalli bixiyaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiga TPLF.

Shalay, Xisbiga ADP waxaa uu sheegay in aysan wax raalligelin ah bixin doonin.

Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada, xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega.

“Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah” ayaa lagu yiri qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook.

Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

BBC