Isku-Day Afgembi Oo Ka Dhacay Suudaan

Golaha sare ee haya talada dalka Suudaan ayaa waxay sheegeen inay fashiliyeen isku day afgembi oo dalkaasi ka dhacay.

Afahayeen u hadlay militariga Suudaan, Janaraal Jamaal Cumar ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah loo xiray isku dayga afgembi ee ka dhacay Suudaan, waxaana shakhsiyaadkaasi kamid ah saraakiil ciidammada katirsaneyd oo howlgab ah iyo kuwo horey uga ka tirsanaa sirddooonka iyo laamaha amniga Suudaan.

“Waxaan aragnay dad halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin kooxo diiddan waxyaabaha ay doonayaan shacabka” ayuu yidhi Janaraal Cumar.

Waxaa uu intaas ku daray in isku dayga afgembi looga gollahaa in lagu hor istaago heshiiskii awood qeybsiga ahaa ay dhawaan wada gaareen golaha sare ee militariga iyo Isbaheysiga mucaaradka.

Waa markii saddexaad uu isku day afgembi uu ka dhaca Suudaan oo ay sheegeen hoggaamiyeyaasha militariga inay fashiliyeen.

GABILEY.NET