Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Tacsi Udiray Qoyskii iyo Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Aaqil Axmed Abdilahi Xareed(Weerar)

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa Iyo Afka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Waxa  uu dhambaal tacsi Tiiraanyoleh u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, uqaasha,Salaadiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland Gaar Ahaan Shacbiga Reer Gabiley ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar)  oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 25/07/2019, magaalada Gabiley.

Maayerka Ayaa Marxuumka Ku Tilmaamay Halyay Dadaal Dheerada Usoo Galay Halgankii Iyo Juhdigii Gooni Isku taaga Qaranka Somaliland,Maayerka Maxamed Amiin Oo Taariikhda Marxuumka Ka Sheekeeyay Ayaa Waxa uu Yidhi,

Marxuumka Illaahay Waxan Uuga Baryanaa In Uu Ka Dhigo Marti La Jecelyahay Kitaabkiisana Midigta Uga Dhiibo Wuxu Ahaa Samokataliye In Badan Naftiisa Usoo Hurey Dib udhiska Iyo Hanaqaadka Jamhuuriyada Somaliland,Marxuum Aaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) Wuxu Ahaa Geesi Ku Dhiirasholeh Oo Markasta Ka Shaqeeyn Jiray  Maslaxada Umadda Iyo Danaha Qaranka,

Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa marxuumka ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.Aaamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin