Madaxweyne Erdogan Oo Eryay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe + [ Sababta ]

Ankara (GNN):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaqada ka eryay guddoomiyihii bandhiga dhexe, kuna baddalay ku xigeenkiisii.

Murat Cetinkaya ayaa xilka gudoomiyaha bankiga dhexe hayay tan iyo bishii April ee sannadki 2016-ki.

Ma jirto faah-faahin ku aadan sababta xilka looga qaaday, hase yeeshee warbaahinta Turkiga ayaa ku warrantay inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay Cetinkaya iyo madaxweyne Erdogan kaasoo ku qotomay dul-saarka lacagaha bankiga dhexe oo ay dowladu rabto in la yareeyo si kor loogu qaado dhaqaalaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa marar badan ku celceliyay inuusan marnaba ogoleyn in la kordhiyo dulsaarka lacagaha la dhigto bankiga dhexe ee dowladda, taasoo uu mar ku tilmaamay in ay tahay “Hooyada iyo Aabaha sharta oo dhan”.

Gudoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe Murat Uysal ayaa hadafkiisa ugu horreeya ee bankiga dhexe ku tilmaamay ka shaqeynta xasilinta qiimaha lacagta ee waddanka.

GABILEY.NET