Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sababta Keentay

Wajaale(GNN):-Dawlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday masuuliyiintii ugu tirada badnaa.

Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka Aadan Faarax ayaa sheegay in xilkii laga qaaday masuuliyiin gaadhaysa 212 kuwaas oo iskugu jira heer gobol, heer maamul magaalo, iyo heer degmo.

Madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee masuuliyiintan xilka looga qaaday ay timid ka dib markii ay ku kaceen falal anshax xumo ah oo ka soo horjeeda hogaamintii looga baahnaa, xafiisyada ay ka hawl galayeen oo aanay iman iyo gaabis ku yimid xilalkii ay hayeen.

Xil ka qaadista masuuliyiintan tirada badan ayaa timid ka dib markii uu madaxweyne Mustafe Cagjar furay qorshe lagu qiimaynayo masuuliyiinta dawlada kaas oo haatan galay maalintii shanaad.

Masuuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa la sheegay inay ka gudbi kari waayeen qiimayntii lagu waday isla markaana loo arkay in hogaamintoodu aanay ku haboonayn inay ka sii hawl galaan xafiisyadii ay joogeen.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee laga qaado masuuliyiinta xilalka ka haya dawlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya tan iyo intii xilka laga tuuray xukuumadii Cabdi Iley.

Sidoo kale qiimaynta lagu hayo masuuliyiinta dawlada ayaa socota iyada oo la filayo in xubno kale laga qaado xilalka ay hayeen mudada uu barnaamijkani socdo.