Maxaad Kala Socotaa Barnaamijka Calafdoon iyo Tirada Qoysaska Iska Calmaday.?

“Joof iyo Johorad, masoo Banjartay, masoo kuftay iyo halkeed Beerka u Jiiftaa waa halku-dhigyada Barnaamijkan”

Hargeisa(GNN):- In la muujiyo lana bogaadiyo qofka bulshada ku soo kordhiya,qorshe wanaagsan oo bulshada waxtara,In sidaa la yeelo waxay  dhiiri galin iyo garab siin utahay,cida fikrada waxtarka ah la timid iyo qofkasta oo raba in uu bulshada wax ku soo kordhiyo.sidoo kale waxay mahad celi. utahay curiyaha qorshaha waxtarka le,

Hirgalinta iyo fikirka barnaamijkan oo uu la yimid wiil dhalinyar ah oo lagu magacaabo Mustafa Maxmed CaliSuldaanka Tabarucaadka’ Oo Ku Nool dalka Germany, ayaa noqday barnaamijka ugu xiisaha badan wakhtigan social media ama baraha ay bulshadu ku xidhiidho, kaas oo ay inta badan  sugaan saacadaha uu soo galayo hablaha iyo wiilasha aan wali guursan ama hore usoo maray guur, ama ka raagay.

waxa uu la yimid oo uu curiyay fikrad cusub,waxa uu dhanka wanaagsan ee waxtarka le ugu faa idaystay,teknoljiyada iyo waxa loo yaqaan Baraha bulshada,dhab ahaanti waxa uu la yimid mashruuc bulshada wax weyn taray oo mudan in looga mahad celiyo sidoo kale lagu garab iyo gacan siiyo.

Inkasta oo bilowgii barnaamijkan calafdoon ay dhalinyartu u arki jireen mid ku dhisan Madadaalo iyo caweys lagu kaftamo xaqiiqadu waxay noqotay mid ka duwan taasi oo sabab u noqday in isu keeno lamaaneyaal nolosha qoysnimo ku midoobay.

Waxa uu yagleelay oo seeska u dhigay tiro badan oo qoysas ah.waxa uu u sahlay in ay si sahlan u xidhiidhaan dhalin yaro badan oo rabay in ay reer iyo xaas samaystaan.

Waa barnaamijka caanka baxay ee loo yaqaan (CALF DOON)

Dadka iyagu aqoonta leh ee fiirsaday barnaamijkan ayaa kagaga Aragti dhiibtay  inuu yahay mashruuc ay bulshadu u baahnayd waxana la odhan karaa mudadii gaabnayd ee uu jiray waxa uu xaqiijiyay waxbadan oo kamida yoolkii ku salaysnaa yagleela qoysas cusub.

Odhaahyada ama Kalmadaha kaftanka iyo Xiisaha badan ee Hal kudhiga u ah Barnaamijkan ayaa waxaa ka mid ah kuwan.“Joof iyo Johorad, masoo Banjartay, masoo kuftay iyo halkeed Beerka u Jiiftaa” kalmadahaas oo mid walba ay leedahay macno laysla yaqaano.

ARAGTIDA BULSHADA KU XIDHAN CALF DOON.

Dhanka kale markaad u kuur gasho aragtida qaybo ka mida bulsha weynta ku kala nool daafaha dunida,waxay dhamaantood muujinayaan dareen isku mida oo tilmaamaya ama ka turjumaya baahida loo qabay samaynta mashruuca CAlAF DOON.sidoo kale waxa si isku mida ugu mahad celinayaan curiyaha Barnaamijkan la mahadiyay waxayna aad uga makhraati kacayaan in uu bulshada ku soo kordhiyay arin aad ufiican oo waxtar ah.

Waxaan shaki kujirin caadna saarnayn in ninka dhalinyarada ah waa mr Mustafe uu guud ahaan umada afka soomaaliga ku hadasha uu ku soo biiriyay mashruuc kamida marka dunida kale la joogo barnaamijyada ay ka shaqeeyaan NGO ama Hayado ku tiirsan dhaqaale iyo miisaaniyad culus laakiin wiilkan Mustafa Maxmed Cali isagu waxa uu muujiyay kartidiisa iyo kalsoonida uu naftiisa ku qabo waxana uu ubabac dhigay mashruuc weyn oo aad u muhiima waxayna ka turjumaysaa in uu qofku qaban karo waxa uu isku dayo sidoo kale waxay tusaale wanaagsan utahay Hanka iyo himilada fod ee uu hiigsanayo ninka dhalinyarada ah, waxaan shaki ku jirin in uu mustaqbalka uu barnaamijkani isku badali doono mashruuc weyn oo uu helo taakulayn caalamiya

Ugu dambayn waxaan kula talin lahaa dhalinyara iyo dadka sooshoyaalka sida xun  u adeegsada,inay ku daydaan ninkan dhalinyarada ah ee Mustafa Maxmed Cali bulshadana ku soo kordhiyaan barnaamiyo lamida kuwan oo kale.

W/Q:-C.wahaab Maxamed

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com