Real Madrid Oo U Ruqqansatay Xero Galinta Paul Pogba

Real Madrid ayaa markii ugu danbeysay isku dayi doonta inay soo xerogeliso xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ka dib marka ay iska iibiyaan Gareth Bale isbuucaan.

Kooxda reer Spain ayaa qarka u saaran inay iska dirto Bale oo 30 jir ah kaasoo ku biiraya kooxda Shiinaha ka dhisan ee Jiangsu Suning.

Waxayna taasi keeni doontaa in Real Madrid ay u baaqato mushahar 600 kun ginni isbuucii ah iyagoo lacagtaas u isticmaali doona inay kula soo wareegaan xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska iyagoo ka gudbinaya dalab 150 milyan ginni ah.

Pogba oo 26 sanno jir ah ayaa waxaa si weyn u doonaya tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane iyadoo macalinka reer France uu doonayo inuu ka dhigo saxiixiisa ugu weyn xagaaga.

Eden Hazard, Luka Jovic, Eder Militao, Ferland Mendy iyo Rodrygo ayay Real Madrid la soo wareegtay xagagaan iyadoo Bale laga takooray kooxda.

Gareth Bale ayaa heshiis uu isbuucii qaadanayo hal milyan ginni ugu wareegaya horyaalka Shiinaha waxaana heshiiskaas uu yahay mid inta badan la dhameystiray waxaa kaliya harsan faahfaahino yar oo dhameystir u baahan.

Real ayaa marka ay hubsato in Bale uu u ambabaxay Shiinaha waxa ay bilaabi doontaa qorshaha ay ku soo xerogelineyso xiddiga Man United kaasoo xagaagan cadeeyay inuu doonayo inuu baxo.

Pogba ayaa waxaa dulsaaran qiimo gaaraya 150 milyan ginni waxaana ay Man United u noqon doontaa faa’ido weyn madaama ay 89 milyan ginni uga soo iibsadeen Juventus sannadii 2016.

Waxa ay noqon doontaa heshiiskii ugu weynaa ee taariikhda Premier League iyadoo heshiiskaan uu ka sarre mari doono heshiiska 145ta milyan ginni ee uu Philippe Coutinho ugu biiray Barcelona.