Runtu Ma Fantaa, Wax Ummad Soomaaliyeed La Yidhaa Ma Jiraan”…Abwaan Laabsaalax

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay inaanay jirin wax la yidhaa umad soomaaliyeed.

Abwaan Laabsaalax ayaa qormo uu ku baahiyey bogiiisa Facebook waxa uu ku soo bandhigayaa maanso ka hadlaysa inaanay jirin wax la yidhaa umad soomaaliyeed balse ay kala yihiin umado dawlado kala gaar ah leh

Abwaan Laabsaalax ayaa qormadiisu u dhignayd sidan

Runtu ma fantaa!!

Wax ummad Soomaaliyeed la yidhaa ma jiraan, ee reero Soomaaliyeed ayaa jira. Cidda ugu badan ee erayadan ka xanaaqaysaa waa waa jiilkayga, ha cadhoon, fadlan is deji, waad xanaaqdee.ha xanaaqin! Aaway mustaqbalkaagii aaway rejadaadii! hadfii aad igaga soo hor jeeddo ummad Soomaaliyeed ma jirto, taada aan kuu raacee: maxay mid u noqon waayeen oo ay u midoobi waayeen? Adduunyada ma jiro inan madmadaw la galiyo mustaqbalkiisa, adiga mooyaane.

Shantoo derisoo, midiba doc tahoo Dawlado kala tahay, Xuduud Kala duway, Wixii kala dira, waxaa ka da’ weyn Wixii isku dara, markay dan tahee, Wataa isku daran, is wada dagaysee

Soomaali duntoo, dunida ka hadhee.

In badan oo bulshada xurmada iyo xaqdhawrka aan u hayo ka mid ah, ayaa erayada kor ku qoran u turjuntay si ka duwan sidaan u jeeday, maaha maaha maaha siday moodeen. Soomsali weynna Waqooyi iyo Koonfur maaha, ee haddii aan la hayn Soomaalida Kiiniya iyo kuwa Itoobiya iyo kuwa Jabuuti, In shantii Soomaaliyeed mid waliba halkeeda ku sharfanaataa waa sharaf.

Woqooyi iyo Konfurina noqon maayaan Soomali weyn ee waa Soomaaliland iyo Soomaaliya, ee dadka reer Muqdisho ha ogaadaan inta Hargaysa laga lusho in aanay Muqdisho degayn, Oo hadda ma lihi waxa Muqdisho, ka dhacaya ayay Hargaysa ku faraxsan tahay! Nabsimaalkuse waa… Laabsaalax