China(GNN):-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka china ayaa kormeero u kuurgal ah kusoo maray qaar kamida shirkadaha ugu waaweyn dalkaasi china.
Safiirka somaliland Amb Cawil Ibraahim ayaa ugu horeyn kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta shirkadaha ugu waaweyn dalkaasi, waxaana shirkadaha uu booqday safiirku kamida wakhtigii koobnaa ee uu hadda ku jiray shaqada shirkada ugu weyn ee Soosaarta qalabka dhismaha ee dalkaasi china, kaas oo kulamo la qaatay Masuulka ugu sareeya Shirkadaaasi iyo Mulkiilaha waxaana ambassador cawil oo ka duulaya sidii ay Sharaa’iga dunidu ugu soo dhiiran lahaayeen Maalgashi ay ku sameeyaan Dalka Jamhuuriyada somaliland uu sharaaxd dheer ka siiyey Qaranka Somaliland iyo horumarka balaadhan ee ka jira iyo sida kambaniyada waaweyn ee caalamku u maalgashadeen wakhtigan, waxaana uu usoo jeediyey in shirkadiisan wayni ay ku yeelato wakiil ka shaqeeya Somaliland sidaasi daraadeedna Quuaranka somaliland u damaanad qaadayaan in hirgalinta maalgalineed ay dalka la yimaadaan iyadoo lagu soo dhaweynayo Gacmo furan.
dhanka kale waxaa uu safiirku safar shaqo ku tagay gobolka dhaca barriga china ee lagu magacaabo shandon oo uu kulamo kala duwan kula qaatay mulkiilayaasha iyo maamulka ugu sareeya shirkada soosaarta milixda oo ah shirkada ugu weyn dalkaasi, waxaana safiirku faahfaahin iyo xogo muhiima ka siiyey sida dalka somaliland uu u yahay qaran u dihin maalgashiga iyo sida ay dawlad ahaan usoo dhaweynayaan,taas oo ay uga mahad celiyee booqashada safiirka iyo sida ay qaran ahaan usoo dhaweynayaan maalgashi ay ku sameeyaan dalka jamhuuriyada somaliland.
inta la ogyahay shirkadan soosaarta milixda ee ugu weyn dalka china ayaa Maalgashi kala duwan ku sameysay dalka aynu jaarka nahay ee djabouti oo ay ku maalgalisay lacag gaadhaysa ilaa 20 milyan oo dollar kana hirgalisay mashaariico kala duwan oo wax badan ka taray dalkaasi, waxaana safiirka somaliland u fadhiya dalka china Amb Cawil Ibraahim Isla qaateen sidii shirkadahan kala duwano ay mustaqbalka dhow uga sameyn lahaayeen maalgashiyo kala duwan dalka Somaliland.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan iyo Kulamada Safiirku la Yeeshay Shirkadaha ugu Waaweyn Dalka China.
Contacgabileynews@gmail.com
Gabiley News Network.