Saxaafaddeennu ma saxantahay?…W/Q:-C.wahaab Maxamed Mawliid

Aadanuhu waxay Saxaafadda u sameystaan si ay danohooda ugu qabsadaan mabaadiidoodana ugu gudbistaan,waxay iskaga difaacaan cadowgooda waxayna ku dhisaan wacyiga umaddlooda, waxay kaga shaqeeyaan midnimada bulshadooda waxayna kaga hortaagan wax kasta oo bulshadooda qaybinaya.

Saxaafadda ummaddeeda u adeegeysa waxay ku faantaa ummaddeeda Dhaqankeeda iyo dalkeedaba, Ma jirto saxaafad waddankeeda ula dhaqanta sida Saxaafadda ajnabiga ahi ula dhaqanto.

Saxaafaddu waddankeeda way dhistaa ee ma dumiso dadkeena niyadda ayey u dhistaa ee ma niyad jabiso haddii la soo koobana ma jirto saxaafad aan u jeeddo laheyn oo iska shaqeysa shanqadhiii yeedhana iska sheegta dhab ahaanna ma jirto saxaafad dhexdhexaad ah ee cid waliba daneheeda ayey ka shaqeysataa mid gaar ah iyo mid guud kay tahayba.

Tolow saxaafadda soomaalind ee markii laga soonoqday bur burkii, sameysantay ma leedahay hadaf ah in dadkii iyo umaddii burburtay dib loo dhiso mise iyada ayaaba duulaan ku aha?

Saxaafaddeennu ma u dhaqantaa sidii saxaafad iska leh waddanka ay ka hadleyso mise sida saxaafadda ajnabiga ah ee fulineysa ajandayaasha shisheeye ayay uga hadashaa?

Saxaafaddeennu miyey ina mideyneysaa mise way ina qaybineysaa? Ma isku keen direysaa mise way ina heshiisiineysaa? Cadowgeenna ma inaga difaaceysaa mise danihiisa ayey xaqiijineysaa?

Su’aalahaas iyo kuwo kaleba waa su aalo mudan in la is weydiiyo,oo dhalinyarada saxaafda ku hawlani sifiican ay ugu kuur galaan ayna is waydiiyaan mihandoodo inay wadankooda duulaan kutahay iyo inay dalkooda u adeegayso.

W/Qalinkii:-C.Wahaab Maxamed Mawliid.