Shirkada Diyaaradaha Ee Boeing Oo Bixinaysa Malaayiin Dollar Oo Mag Dhaw Ah .

Shirkadda Boeing ayaa shaaca ka qaadday qoysaska dadkii ku dhintay diyaaradihi Boeing 737 ee ku burburya Induniisya iyo Itoobiya ay mag dhaw u siineyso 100 milyan oo doolar.

Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney ugu tala gashay 346 qof ee ku geeriyooday labadii diyaaradood ee ku burburay Itoobiya iyo Induniisya.

Lacagtaasina qoysaska magdhaw ahaan shirkadda Boeing ay u siineyso waxay sheegtay iney ku imanin dacwaddi ay shirkadda ku oogeen qoysaski ay dadkooda shilalkaasi ku dhinteen balse ay shirkaddu iskeed u go’aansatay.

Boeing oo maanta warmurtiyeed lacagta magdhawga ay kaga hadleys soo saartay ayaa sheegtay in lacagtaasi ay shirkaddu ugu talagashay qoysaska ay masiibadu saameysay iney noolashooda ku kabaan.

Waxayna shirkadda Boeing meel marinta lacagahaasi ay sheegtay iney kala shaqeyn doonto hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Maareeyaha guud ee shirkadda Boeing, Dennis Muilenburg wuxuu sheegay iney shirkaddu aad uga xun tahay dadki ku naf waayey labadaasi shil, dadki shilkaasi ku dhintay oo aan sanadaha soo socdana qoysaskooda illaawi doonin.

Qoysaski ay dadkooda ku dhinteen shirkadaha Indonesia airlines iyo Ethiopian Airlines oo dacwad ku oogay shirkadda Boeing weli dacwaddooda go’aan lagama gaarin.

GABILEY.NET