Trump – Kuma raacsani taagerayaashayda in Ilhaan la celiyo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in taageereyaashiisa uusan ku raacsanayn dalabkooda ah in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dad tiro badan oo uu meel fagaaro kala hadlayay ayaa si wadar ah ugu dhowaaqayay erayada ah “dib u celi, dib u celi” kadib markii uu magaceeda ka xusay makarafoonka.

Waxa ay ka jawaabayeen hadal uu horey u jeediyay oo ahaa in Ilhaan iyo saddex hablood oo kale oo ay Congress-ka Maraykanka ku wada jiraan ay ku laabteen dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen.

Dadka Trump naqdiya ayaa sheegay in hadalada taageerayaasha Trump ay la midyihiin kuwii ay horey u yiraahdeen Hillary Clinton ee ay ku baaqayeen in xabsiga la dhigo kadib markii Trump uu ku eedeeyay in ay dambi ka gashay qaranka.

Jawaabta Ilhaan

Ilhaan oo wariyeyaasha la hadlaysay ayaa tiri “Qofkasta oo dalkan ku nool waa uu ogyahay in hadalada Trump aysan ahayn kuwa la rumeysan kari, wuxuu muujinayaa afkaarihiisa fajiistenimada ah, isaga oo muwaadhiniinta Ameerikaanka ah ku wargalinaya in ay dalka ka baxaan, waxaan xusuusinayaa in Ameerika mucaaradnimada ay tahay sheey waddanimo ah, kala aragti duwanaanshahana lasoo dhoweynayo”.

Dhanka Twitter-ka waxaa laga bilaabay olole hal ku dheg looga dhigay ‘Ilhaan ayaan la jirnaa’ ayaa aad u qabsaday, waxaana xitaa qeyb ka noqday siyaasiyiin badan.

Hoggaamiyaha Aqalka Sare ee xisbiga dimoqoraadiga Chunk Schumer ayaa Trump la bar dhigay hoggaamiyeyaasha kaligii taliska ah.