War Deg-deg Ah Mudaharaad Xooggan Oo Ka Bilaamay Magaalada Burco.(Sawiro)

Burco(GNN)Mudaharaad lagaga soo horjeedo dagaal gobolka Sanaag ku dhex-maraya Ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa jabhadda Kornayl Caarre gobolka Sanaag ayaa goordhawayd ka bilaamay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada Burco, iyadoo shacabkuna ay taayiro ku gubaya waddooyinka qaar ee magaaladaasi.

Dhinaca kale, dagaal ayaa ka socda deegaanka Dhoob ee bariga degmada Ceerigaabo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Korneyl Caarre, waxaanu mudaharaad ka bilaamay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.

GABILEY.NET

error: Content is protected !!