War Deg-Dega-Gabiley Tirada Xildhibaano Loo Xidh-Xidhay Beenfariin Cod Laga Matelay Maayirka Degmada Oo BBcdu Waraysatay.

Hargeisa(GNN):-Khilaafkii golaha deegaanka degmada gabiley oo Todobaadadii ugu danbeeyey meel xasaasiya marayey oo ay xildhibaanadu ku kala qaybsanaayeen doorashada maayir cusub, Ayaa wasaarada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland oo go’aan kasoo saartay maalintii shalay waxay Warqad amar ah ku sheegtay inaan gabi ahaanba la qaban karin Mooshin ama kalfadhi aan caadi ahayn oo Xilka lagaga qaadayo Maayirada Degmooyinka dalka.

Waxaana arrintaasi kadib Idaacada bbcda oo Waraysi la yeelatay Saaka subaxdii hore qaar kamida xildhibaanada gabiley ee iyagu doonayey inay bedelaan maayirka degmada iyo shaqsi ku hadlay afka maayirka degmada gabiley oo ka been abuuray magaca uu ku hadlayo,ayaa bulshada somaliland u qaadan waa iyo fajac ku noqotay shaqsigan ku hadlay afka maayirka ee ka jawaabaya su’aalihii ay waydiisay wariyaha idaacada bbcda afka somaliga ku hadashaa.

Waxaaan Wararka hordhaca ah ee aanu helaynaa sheegayaan in Galinkii danbe ee maanta ay Ciidamada amaanka somaliland ay Xabsiga u taxaabeen Tirada afar xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada iyagu waday mooshinka xil ka qaadista Maayirka degmada gabiley, taas oo xogaha nasoo gaadhay xaqiijiyeen in ciidamada amaanku usoo qaadeen xildhibaanadan la xidhay xarunta Danbi baadhista ee Hargeisa (C.I.D) halkaasi oo lagu baadhi doono kiiska loo haysto oo Loo Tuhunsan yahay in iyagu ka danbeeyeen is been fariinka codka shaqsiga maayirka degmada magaciisa sheegtay kuna hadlay afka maayirka.

Dhinaca kale maayirk degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo isaguna warbaahinta la hadlay dhankiisa ayaa si adag uga hadlay in Been fariin lagu sameeyey magaciisa iyo xilka uu bulshada u hayo.

Halkan Ka dhegayso Waraysiga Saaka Idaacadu BBC La Yeelatay Xildhibaanada iyo Shaqsiga Ku hadlay Magaca Maayirka Degmada Gabiley.

 

 

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com
Hargeisa Office