Hargeisa(GNN):-Afar wariye oo maanta xukuumadda Somaliland xidhay ayaa caawa la sii daayay saddex ka mid ah,waxaana wararku intaasi ku dareen in aan ilaa hadda la siidayn wariye ka tirsanaa afrtaa maanta la xidhay.
Wariye Badri Kozar, oo saxafiiinta maanta la xidhay ka mid ah ayaan isaga la sii dayn ee xabsiga lagu sii hayaa. Booliska ayaa sheegay in isaga baadhitaan lagu samayn doono.
Kiiska Loo haysto Saxafigan ayaa hadda mid la xidhiidha kadib markii maanta tageen hotel ku yaala caasimada hargeisa oo imtixaan qarsoodiya lagaga qaadayey dad rayid ah oo kamid ahayn Ardaydii soo dhamaysataya Barnaamijka Shaqo qaran ee hore loo shaaciyey in 980 shaqo ay u tartami doonaan imtixaan loo galayey shirkad shidaalka sifaysa oo qaadanaysay 400 oo shaqaale ah.
Ilaa hadda ma cadda sababta loo kala reebay saxafiyiintan isku wakhtiga la xidhay ee saddex kamida la siidaayey midna xabsiga lagu sii hayo.
Mana jiro warar faahfaahsan oo la xidhiidha arrintaasi iyo cid ka hadashay.
Saxafi Badri koosaar Maxamuud Ayaa kamida Saxafiyiinta ka hawlgala telefishanka Eryal ee Magalaada hargeisa kaas oo inta badan dabagal qotodheer ku sameeya wararka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca.