War degdeg ah : Dawlada Somaliland oo dacwad ka dhan ah Heshiiska Hawada sare ugudbisay Qaramada Midoobay

Khilaafkan ayaa yimi kaddib markii dawlada Soomaliya ay saxeexday heshiiska loogu wareejinayo maamulista hawada Soomalida( Somaliland iyo Soomaliya) taasoo 28 sano ee lasoo dhaafay ay maamulaysay haayada qaramada Midoobay uqaabilsan dhinaca hawada ee ICAO .

Wareejinta hawada ayaa waxaa kujira sidookale shaqaalihii iyo agabkii at ku shaqaynayeen oo ay hore maamuli jireen haayado caalamiya.

Wasiirka duulista Soomaliya ayaa ka falceliyay kaddib markii lagu wareejiyay hawada wuxuunbaa yidhi.

“Ilaahay ayaa mahadleh ,Maanta waxaanu ku guulaysanay oo kala soo wareegnay haayadaha ICAO iyo IATA , guud ahaan qalabkii iyo shaqaalihii hawada ,Heshiiskani wuxuu hirgalayaa 30July.” Ayuu yidhiMaxamed Cabdilahi Oomaar wasiirka duulista ee Soomaliya

Dhanka kale,Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ayaa dacwad kagudbisay heshiiska ay gaadheen Dawlada Soomaliya iyo haayada ICAO .

Sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaliland ee Kenya Amb.Baashe Cawil Cumar Dawlada Somaliland ugudbisay beesha caalamka dacwad ka dhan ah heshiiskaas lagu wareejinayo hawada.

” Dawlada Jamhuuriyada Somaliland waxay si rasmiya ugudbisay dacwad sababtoo ah dawlada Soomaliya Soomaliya ka talaabsatay heshiiskii Istanbul,Turkey  ,kaas oo Dawladaha Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyeen in la dhiso gudi isku isku dhaf ah oo Maamuli doonta hawada,Haayada ICAO iyana may meelmarin heeshiiskii.” Ayuu yidhi Amb Bashe Cawil cumar, Ergayga Somaliland ufadhiya Kenya.

Warkan oo aad ufaahfaahsan Ka eeg Lingaxan hoose

https://www.horndiplomat.com/2019/07/03/somaliland-files-complaint-against-the-control-of-the-airspace/