Warbaahinta Caalamku Maxay Ka Tidhi Safarka Madaxweyne Muuse Ee Guinea?

Hargeysa (GNN):- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 24kii saacadood ee u dambeeyey qabsatay ciwaannada Warbaahinta caalamka oo si weyn u qaadaa dhigay dedaalka ay Somaliland ugu jirto qaddiyadeedda aqoonsi raadinta.

Waxa Saxaafadda caalamiga ahi soo bandhigeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii loogu soo dhaweeyey Magaalada Conakry ee dalka Jamhuuriyadda Guinea bayaamisay in Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi lagu qaabiley meeqaamkii u sarreeyey isla markaana diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo lagaga qaaday Madaarka lagu geeyey xarunta Madaxtooyadda, halkaasi oo labada madaxweyne kulan ku yeesheen.

K24 TV ayaa socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku fasiray “Tallaabo ay Somaliland hore ug qaaday dedaalkeeda aqoonsi raadinta.” Waxaanu Telefishanku uu ku sifeeyey Soomaaliya inay ka hinaastay dhaqdhaqaaqyada ictiraaf raadinta Somaliland ay gaadhsiisay dalalka la jaarka ah ee Afrika.

Wargeysyada caanka ah ee Washigton Post, Daily Nation iyo Warsidaha African News ayaa baahiyey in tallaabada ay Soomaaliya ku dooday inay cilaaqaadkii u jartay Guina ay ka dhalatay markii Madaxweyne Muuse Biixi loogu soo dhaweeyey meeqaan qaranimo dalka Guinea oo uu ku tagay martiqaad uu ka helay Madaxweyne Alpha Conde.

Warbaahinta caalamiga ahi waxay qireen in Somaliland ay horeba xidhiidh la lahayd dalal badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo dalalka Yurub qaarkood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xukuumadda Farmaajo ku macneeyey mid llaalo u baahan oo aan wax yeeli karin Somaliland iyo dalalka kale ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed la sameynaysaba.

Geesta kalena, Shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka oo taageero miisaanle u muujiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo ay ku bogaadiyeen socdaalka taariikhiga ah ee soo jiitay indhaha caalamka oo uu albaabada ugu soo furay iskaashi ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato dalalka galbeedka Afrika.

GABILEY.NET