Cabdalla Hamdok Oo Mucaaridka Sudan Usoo Xushay R/Wasaare-nimo.

Cabdalla Hamdok oo ahaa saraal hore uga soo shaqeeyay qaramada Midoobay ayay Mucaaradka Suudaan ayaa xilka ra’iisul wasaaraha usoo xushay sarkaal sare oo horey uga tirsanaa Qaramada Midoobey, si uu matalo dhinaca mucaaradka dowladda kumeel gaarka ah ee saddexda sanno jiri doonto.

Hamdok oo ah dhaqaalo-yahan ayaa sannadkii lasoo dhaafay iska casilay xilkii uu ka hayay guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey uqaabilsan qaaradda Africa, sidoo kale sargaalkan ayaa diiday inuu qabto xilka wasiirka maaliyada Sudan oo sanadkii lasoo dhaafay uu u magacaabay Madaxwaynihii hore ee Albashiir.

“Waxaan u rajeyneynaa Hamdok guul weyn xilli dalka uu ku jiro xaalado adag sida ku xusan taarikhda dalka iyo dadka, waa xilli dadweynaha isbaddal-doonka Suudaan ay rajo weyn muujinayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ururka xirfaladyaasha Suudaan oo horkacayay kacdoonkii ka dhacay Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Milatariga Sudan hogaanka u haya iyo Mucaaridka awooda badan ee ka soo horjeeda ayaa lagu wadaa in baalinta bari ah ee sabtida ah ay heshiis mustaqbalka xasiliya dalkaasi Sudan ay gaadhaan kuna dhisaan dowlad kumeel gaar ah.

Exit mobile version