Ciidamada Booliska degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer Oo La Il Daran Gaadiid Ay Ku Hawl-galaan.

Booliska ayaa maanta waayay gaadiid ay ku raadiyaan ninkii saddexda carruur ah ku dilay deegaanka Dhagax-dheer taas bedelkeeda aakhirkii waxa ay adeegsadeen baabuur shacabku leeyahay si loo soo qabto ninka carruurta dilay.

Booliska degmada ayaa lahaa laba gaadhi balse labaduba way xumaadeen oo muddo dheer mayshaqayn .

Degmada Balli-dhiig oo ku taalla xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ayaa xukunta tuulooyin badan oo weliba intooda badan ku teedsan xadka Ethiopia.

Marka laga tago gaadiid la’aanta haysata Booliska degmada, waxa jira baahiyo badan oo dhinaca adeegga bulshada ah oo degmada ka jira sida dadka deegaanku ii sheegeen.

Image may contain: car and outdoorImage may contain: car and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: sky, cloud and outdoor