Dawlada Talyaniga Oo Sheegtay In Silvia Romano Loola soo Talaabay Dhinaca Somaliya.

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay kooxihii afduubay Silvia Romano oo u dhalatay dalka Talyaaniga kala soo baxsadeen gudaha dalka Kenya iyaga oo soo talaabay dhinaca Soomaliya.

Warkan ka soo baxay dowladda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Kooxda gacanta ku heysa Silvia Romano ay kala talaaben xadka Soomaaliya.

Silvia Romano ayaa la Afduubtay 20 bishii Nofeembar markii uu dhacayay afduubka haweeneyda ayaa la sheegay in afduubayaasha ay rasaas fureen taasoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin dabadeedna ka tallaabeen wabiga Galaana.

Exit mobile version