Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Magacaabay Taliyayaasha Ciidamada Kala Duwan ee Maamulka Xamar

Muqdisho(GNN):-Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Muqdisho Somalia 

Gabiley News Network

%d bloggers like this: