Goorma Ayaa Heshiiskii Xisbiyada La Horgaynayaa Golaha Wakiilada?

Golaha wakiilada somaliland ayaa la dhawrayaa in la horgeeyo heshiiskii ay xisbiyadu ka gaadheen khilaafkii doorashooyinka.

Sida uu sheegay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), mudanayaasha golaha wakiilada ayaa heshiiskan la horgayn doonaa 8-da bishan August.

Gudoomiye Cirro waxa uu fariin u diray xildhibaanada golaha wakiilada isaga oo ugu baaqay inay meel mariyaan heshiiska ay xisbiyadu ka gaadheen khilaafka doorashooyinka.

“”Kalmad baan odhanaya Golaha Wakiillada, saaxiibaday in badan baa la xamanayay maanta xantii ama way rumoobaysa ama way beenoobaysa. 15 sanno ayay joogeen dadku waxay ku xamanayeen ma rabaan in ay kuraasida ka kacaan, maaddaama khilaafkii axsaabtu soo dhammaaday maanta arrintu gacantooday ku jirta waana imtixaan la imtixaamayo; diidamadooda ama ogolaanshaha heshiiskaasi wuxuu ka marag kici doona in ay xantii rumowdo oo ay doorashada diidan yihiin iyo in ay aqbalaan oo ay doonayaan in ay kuraastana ka kacaan doorashaduna suurtowdo,”Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaasi ku daray in ururada bulshada, musharraxiinta doorashooyinka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ka qayb qaadato dadaalka lagu doonayo in doorashooyinku qabsoomaan, islamarkaana muujiyaan codkooda iyo culayskooda.

Exit mobile version