Jabuuti Oo Shaacisay Inay-san ka Quusanin Kursiga ay Kenya kaga Guulaysatay.

Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in aysan weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya.

Safiirka ayaa sheegay in aysan is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi.

“Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yiri Daa’uud.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,”Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’

Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.