Jose Mourinho Oo Premier League Ku Soo Laabtay

Tababaraha seddexda jeer ku guuleystay Premier League ayaa ku biiri doona khabiirada hilinka Sky Sports isagoo qeyb ka noqonaya khabiirada falanqeyn doona kulamada Premier League.

Macalinkii hore ee Chelsea iyo Manchester United ayaa aqoontiisa baaxada weyn ee uu u leeyahay kubada cagta iyo gaar ahaan tan Ingariiska waxa uu la wadaagi doonaa taageerayaasha Premier League isagoo ka soo muuqan doona isbuuc walba istuudiyaha Sky Sports.

Mourinho ayaa kulanka ugu horeeya ee uu ka soo muuqan doono istuudiyaha Sky Sports uu yahay kulanka Premier League ee u dhaxeeya labadaasi kooxood ee hore ee Chelsea iyo Manchester United oo berri oo axad ah ka dhacaya Old Tarfford.

Mourinho ayaa guulo waa weyn ka soo gaaray kubada cagta, waxa uu Champions League la soo qaaday FC Porto iyo Inter Milan, waxa uu horyaalka La Liga la soo qaaday Real Madrid, waxaana uu koob ku guuleystay meel walba uu tagay.

Chelsea ayuu labo Premier League oo isku xigta iyo sidoo kale labo League Cup iyo FA Cup uu la qaaday markii ugu horeysay ee uu tababare ka noqday, ka hor inta uusan League Cup iyo Premier League kale la qaadin waqtigiisii labaad ee uu macalin ka noqday Stamford Bridge.

Markii uu tagay Old Trafford waxa uu Manchester United ku hogaamiyay League Cup iyo Europa League, isagoo koobabkiisa Yurub ku dhameystiray kooxda Manchester ka dhisan.

Mourinho ayaa ku biiri doona khabiirada waa weyn ee ay Sky Sports durbaba heysato ee ay ka mid yihiin Gary Neville, Jamie Carragher, Graeme Souness iyo Jamie Redknapp.

Sky Sports waxa ay si gaar ah u baahin doontaa xilli ciyaareedkan 128 kulan oo Premier League, waxaana ay inta badan heleen kulamada ugu waa weyn ee xilli ciyaareedka.