Hargeysa (GNN):- Kooxda caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad badeeda soomaaliya ayaa cambaaraysay siidaynta 19 maxbuus oo budhcad badeednimo ku xukunaa oo ay xukuumada somaliland xoriyadooda u celisay.
Kooxdan oo magaceeda loo soo gaabiyo CGPCS ayaa hore u soo bandhigtay mawqifka ay ka taagan yihiin in maxaabiista badhcadnimada lagu helay lagu sii daayo go’aan hal dhinac ah, iyaga oo sheegay in talaabadaasi ay mijaxaabinayso talaabada wada jirka ah ee ay beesha caalamku waday tobankii sanadood ee ugu dambeeyey oo yaraysay badhcad badeedii ku sugnayd xeebaha soomaaliya.
Sidoo kale kooxdan ayaa sheegtay in go’aanka siidayntu uu ka hor imanayo heshiiskii lagu soo wareejiyey maxaabiistan iyada oo uu jabinayo isfahamkii laga gaadhay in maxaabiistan oo lagu xukumay Seychelles loo wareejiyo xabsiyo ku yaala somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay.
Dhinaca kale shirkii soomaalida ee lagu qabtay magaalada London sanadkii 2012 ayaa laysku afgartay in maxaabiista lagu celiyo dalkooda si ay xukunka u dhamaystaan iyada oo laga eegay dhinaca bani aadamnimada.
Kooxda la dagaalanka budhcad badeedu waxay ku baaqeen in maxaabiista la xukumay dhamaysteen xukunka ku dhacay iyaga oo taageeray cambaaraynta ay Seychelles u jeedisay talaabada ay somaliland ku sii daysay maxaabiista, iyada oo hogaanka kooxda la dagaalanka budhcad badeedu ay fariin u direen xoghayaha guud ee qaramada midoobay.