Lammaane isu dhigay rasaas ku dhici lahayd wiilkooda

Aabaha dhalay nin ku dhintay toogashadii ka dhacday dalka Maraykanka oo magaciisu yahay Gilbert Anchondo ayaa sheegay in uu cafiyay ninkii hubeystaa ee dilay wiilkiisa iyo xaaskiisa.

Ninka la dilay Andrew iyo xaaskiisa Jordan ayaa dhintay kadib markii ay rasaas isaga dhigeen wiilkooda yar ee Paul, sidaasna ay ku dhinteen kadib markii uu nin hubeysan toogasho ka geystay dukaan ay wax ka iibsanayeen oo ku yaala gobolka Texas.

Gilbert Anchondo iyo wiilashiisa Tito, bidix iyo Andre
Gilbert Anchondo iyo wiilashiisa Tito, bidix iyo Andre

Lammaanahan ayaa waxa ay lahaayeen jadwal joogto ah maalin kasta oo sabti ah, balse markan jadwalkoodii ayay ka leexdeen, waxayna dukaanka weyn u kaxeeyeen wiilkooda yar ee Paul.

Waxa ay dukaanka ka iibsanayeen hilib ay doonayeen in ay ku dhigtaan xafladda dabaal degga dhalashada ninka aabihiis.

Paul ayaa labadiisa waalidba ku waayay toogashadii dhacday
Paul ayaa labadiisa waalidba ku waayay toogashadii dhacday

Aabaha dhalay ninka waxa uu hadda qabaa hal shalayto oo ah sababto uu hab u siin waayay markii ugu dambeysay aragti ee uu arkay wiilkiisa iyo xaaska.

Wiilka yar ee Paul ayaa dhaqtar la dhigay kadib markii uu ka jabay qeyb ka mid ah farihiisa, haddase waa la daweeyay, waxaana lagu wareejiyay awoowgiis iyo ayeeyadiis.

Kaamirada qarsoon een libiqsan ayaa duubtay wixii ka dhacay dukaanka iyo sida lammaanahan naftooda ugu hureen wiilkooda yarka ah ee Paul.

sawirrada Andre oo yar
Image captionsawirrada Andre oo yar

Gidaarada goobta shaqada qoyska waxaa ka buuxa sawirrada Andrew oo yar.

Sawirrada Andre
Image captionSawirrada Andre

Wiilka ka weyn Andrew oo magaciisu yahay Tito oo halmar ay ilmo u wada dhasheen ayaa sheegay in uu qaaddi doono mas’uuliyadda Paul.

Tito waxa uu ka weynaa Andre
Tito waxa uu ka weynaa Andre

BBC NEWS source