Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha Sacuudiga ee fadhigeedu yahay Yurub ayaa canbaareysay xariga Maxamed Cabdulahi Al-Cutaabi oo u xiran Sacuudiga.
War saxaafadeed ay ku soo qoreen barta Twitterka ayaa lagu eedeeyay xariga ninkaan in uu mas,uul ka yahay dhaxal sugaha Sacuudiga maxamed Bin Salmaan.
Mr Cutaabi ayaa u cararay dalka Sacuudiga waxaana uu magan galyo siyaasadeed u tagay Qatar ka hor inta uusan degaanaasho ka helin dalka Norway.
Balse ciidanka amniga Qatar ayaa ku xiray garoonka Xamad ee magaalada dooxa, xilli uu ku wajahnaa magaalada Oslo.
Afar maalin kadib xariga ninkaan ayaa 24 May ee sanadkii 2017-dii gacanta loo galiyay dowlada Sacuudiga.