Maryan Nawaz Oo Xabsiga La Dhigay

Hogaamiyaha ku xigeenka mucaaradka Pakistaan Maryan Nawaz ayaa waxaa xiray ciidanka amniga, sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ay hogaamiso.

Xisbiga Pakistan Muslim Leagu ayaa xaqiijiyay in Khamiista maanta la xiray ms Maryan xilli ay ku wajahneyd in ay booqato aabaha dhalay oo lagu magacaabo Nawaz Sharif.

Mr Nawaz oo hada ku xiran ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Lahore ayaa horay u soo noqday ra’isul wasaarihii hore ee Pakistaan.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Marriyum Aurangzeb, oo ah afhayeenka xisbiga PML-N .
Sababaha ay ciidanka amniga u xireen haweeneydaan ayaa lagu sheegay in ay tahay eedo musuq maasuq oo loo Heesto.

Maryan ayaa waxay ka mid tahay hogaanka mucaaradka Pakistaan ee aalaaba si toos ah iyo si dadban u dhaleeceysa hogaamiyaha Pakistan Imran Khan.

Exit mobile version