Maxay tahay astaanta lagu taageerayo Rashida Dayib

Falastiiniyiinta iyo jiilalka asal ahaan kasoo jeeda dhulkaasi ayaa saacadihii u dambeeya barta Twitter ku faafinayay sawirrada ayeeyooyinkood, kuwaasoo ay bogaadiyeen awoodda iyo dhiiragelinta ay ka heleen.

Arintan ayaa kusoo beegantay xilli gabadha Congress-ka Maraykanka ka tirsan ee Rashida Tlaib ay joojisay booqasho ay ugu tegi lahayd ayeydeed oo ku nool deegaanka la haysto ee Daanta Galbeed.

Twitter-ka ayaa waxaa qabsaday sawirro haween da’ ah oo Falastiiniyiin ah, iyadoo la adeegsanayo astaanta MyPalestinianSitty – oo loo jeedo ayeydey.

Dadka sawirradda soo dhigaya ayaa ka warramay sida ayeeyooyinkooda ay dowr muhiim ah uga qaateen noolashooda, gaar ahaan dhiiragelinta, ad-adeyga iyo xirfadaha cunno karinta.

Arintan ayaa jawaab u ah muranka ka dhashay booqashada ay rabtay xildhibaan Rashida Tlaib inay ugu tagto ayeydeed oo ku nool Daanta Galbeed.

Booqasho rasmi ah oo ay ugu tegi rabtay ayaa waxaa markii hore u diidday dowladda Israel oo ku haysata taageeradda ay Rashida u fidiso dhaq-dhaqaaqa u ololeeya in la qaadaco badeecada Israel.

Ka dib ayaa waxa ay codsatay inay si shakhsi ah ku booqato, waana loo ogolaaday iyadoo la eegayo xeerka bani’aadannimada, balse Rashida ayaa iskeed u joojisay booqashadaasi.

Muxuu salka ku hayaa go’doonka Israa’iil ay Ilhaan Cumar iyo Rashida Dayib uga mamnuucaday inay tagaan Daanta Galbeed?

Ilhaan iyo Rashida labadooduba waxay aad u cambaareeyaan sida ay Israel ula dhaqanto Falastiiniyiinta, waana labada siyaasi ee kaliya ee ka tirsan aqalka Congress-ka ee sida cad u taageera falcelinta falastiiniyiinta ee ku aadan go’doonka ay Israel galiso, iyo waliba dhaqdhaqaaqyada lagu bartilmaameedsado Israa’iiliyiinta.

Arrintan waxay hadda sababtay in Ilhaan iyo Rashida ay noqdaan wakiilladii ugu horreeyay ee laga soo doortay Mareykanka oo abid laga mamnuuco galitaanka Israel.

Tani waxay layaab ku noqoneysaa 72-da xubnood ee ay isku aqalka ka tirsan yihiin, kuwaasoo horraantii bishan qarash u uruurinayay inay booqasho loo wada dhan yahay ku tagaan Israel, si ay uga qeyb galaan munaasabad sanadle ah.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib waxay si wada jir ah u qorsheynayeen inay u duulaan Israel, si ay u tagaan dhulka falastiiniyiinta ee ku jira gacanta Israel, kaasoo ah bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed.

Xaqiiqdii, Rashida waxay safarkaas kusii dari lahayd booqasho ay ugu tagto qoyskeeda.

Haweeneydan 42 jirka ah ee baratay cilmiga sharciga waxay heysataa dhalasho Mareykan ah, balse waxay asal ahaan kasoo jeedda Falastiin.

Ayeeyadeed iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskeeda ayaa ku nool Daanta Galbeed.

Markii ay mas’uuliyiinta Israel soo saareen go’aanka ay ku mamnuuceen safarkeeda, Rashida Tlaib waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay sawir muujinaya ayeeyadeed, kaasoo ay kusoo qortay: “Go’aanka ay Israel ku mamnuucday soo galitaanka gabadheeda, oo xubin ka ah aqalka wakiillada Mareykanka, waxay astaan u tahay daciifnimadooda, sababtoo ah runta ku saabsan waxa ku dhacaya Falastiiniyiinta waa wax laga cabsado”.

Dhawaan, Rashiida Dulayb ayaa ku gacan saydhay ogolaansho Israel u siisay in ay ayeydeed ku booqato daanta galbeed ee la haysto.

Waxay sheegtay in shuruudaha lagu xidhay socdaalkeedu yihiin kuwo adag oo dullayn ah isla markaana aan sidaa lagu aamusiin karin iyada.

Marka laga hadlayo muranka la xiriira arrintan, qofka ay xulafada isugu dhow yihiin waa Ilhan Cumar.

Ilhaan oo 38 jir ah waxaa laga soo doortay gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, waana gabar Soomaali-Mareykan ah oo xijaabka xirata, Mareykankana tagtay iyadoo gabar yar ah sanadkii 1995-kii.

Qudheedu waxay Israel ku cambaareysay diidmada ku saabsan safarkooda.

Hadallada ay Ilhaan ka jeediso Israel waxay xasaasi ahaayeen tan iyo markii ay ku biirtay golaha wakiillada Mareykanka.

Horaantii Sannadkan, waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku eedeyneyso dadka Israel u ol’oleeya. Warbaahinta Israel ayaa sidoo kale aad u weerartay Ilhaan.

Exit mobile version