Qoys masaafurin ka badbaaday iyaga oo diyaaraddii wadday ay duushay

Dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo reer Australia ah ayay u suuragashay in ay bajiyaan qoys reer Sri Lanka ah oo saqdii dhexe laga masaafuriyay dalkooda.

Amar maxkamadeed oo soo baxay iyadoo ay diyaaraddu hawada ku jirto ayaa horseeday in la soo celiyo Nadesalingam, Priya iyo labadooda gabdhood oo Sri Lanka loo sii waday.

Xaaladda qoyskan ayaa horseeday cabasho ka soo baxaysay qaybaha kala duwan ee dalka tan iyo bishii Maarso, markaas oo dawladdu ay qasab uga saartay gurigooda oo ku yaallay Queensland.

Australia ayaa difaacday masaafurinta Jimcaha, waxayna sheegtay in aysan qaxooti ahayn.

“Magangalin kuma haystaan dalka naga,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Peter Dutton oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Wuxuu sheegay in dalabkii magangalyo doonnimada ee qoyska loo gudbiyay masuuliyiinta waaxda socdaalka markii ay si ballaaran u qiimeeyeenna ay diideen in ay magangalyo siiyaan.

Racfaanno kala duwan oo ay dhawaan qaateen waalidka iyo ilmaha u wayn carruurta ayaa guuldarro ku soo dhammaaday.

Nadesalingam iyo Priya oo ah waalidka qoyskan ayaa ku kulmay iskuna guursaday Australia, ka dib markii ay ka firxadeen dagaalkii sokeeye ee Sri Lanka. Tharunicaa oo labo jir ah iyo walaasheed Kopika ayaa ku dhashay dalka Australia.

Dadka taageersan ayaa sheegay in ay gabood fal la kulmi karaan haddii lagu celiyo Sri Lanka, iyaga oo loo cuskanayo xiriirkoodii hore ee siyaasadda.

Qoysan ayaa saddex sano ku noolaa magaalada yar ee Biloela, ka hor intii aysan xukuumaddu bishii Maarso xoogga u gaynin xarunta dadka lagu hayo. Booliiska oo waabarigii hawlgalka fuliyay ayaa dhaliyay in dad badan oo bulshada ah ay ka falceliyan.

In kabadan 120,000 ayaa sixiixay waraaq ay ku dalbanayaan in la soo celiyo qoyskaas.

Arrin cajiib ah ayaa soo korodhay Jimcihiii, maxkamad faderaal ah ayaana dawladda ka hor istaagtay in ay masaafuriso gabadha ugu yar tan iyo Arbacada soo socota.

Ma cadda in dawladdu ay amarkaas u adeegsan doonto qoyska intiisa kale, lama shaacinin abtirka qoyska.

“Xaaladda marka la fiiriyo arrin aan banii’aadminimo ahayn ayay noqon haddii lakala qaado qoyska.” Ayuu yiri qareen ka tirsan Carina Ford oo saxafiyiinta la hadlaya.

Siday u dhacday in masaafurinta la baajiyo iyadoo ay duushay diyaaraddii qoyska wadday?

Dad mudaaharaadaya ayaa u orday garoonka Melbourne Airport habeennimadii khamiista, ka dib markii ay ogaadeen in saacado ka dib la masaafurinayo qoyska.

Diyaaraddii siday ayaa duushay 12:00 GMT, balse qareennada ayaa ku guulaystay in ay helaan amar maxkamadeed oo lagu baajinayo masaafurinta qoyska inkastoo ay diyaaraddii kacday.

Amarkaas oo qareenku uu taleefan ku gudbiyay ayaa diyaaradda ku qasbay in ay ku dagto meel 3,000 km u jirta magaalada Darwin . Muuqaal la baahiyay ayaana muujiyay qoyska oo ay ilaalo ka sii dajinayso diyaaradda.

Angela Fredericks oo ay qoyskaas saaxiibbo yihiin ayaa BBC-da u sheegay in qoyska ay soo wajahday xaalad mooraal oo baaxad wayn ayna aad u jahwareereen”.

Waxay sheegtay in gabdhuhu ay ooyeen markii diuaaradda la saaray, Priya-na aan loo ogolaan in ay la fariisato carruurteeda.

Jimcihii dad badan oo reer Australia ah, oo ay ku jiraan xildhibaanno ayaa muujiyay sida ay uga caraysan yihiin sida loola dhaqmay qoyska, iyaga oo online-ka adeegsanaya ayayna dawladda ugu baaqeen in ay u diirnaxdo.

Xildhibaannada mucaaradka ah ayaa wasiirka socdaalka David Coleman ugu baaqay in uu qoyska u ogolaado in ay joogaan.

Dadka arrintan dhaliishan ayaa xaaladdan barbardhigay arrintii muranka dhalisay sannadkii hore ka dib markii uu wasiir si shaqsi a u farogaliyay masaafurin.

Exit mobile version