Sababta uu ninkan “u guursaday” boombale

Dalka Japan, waxaa jira erey caan ka ah oo ay adeegsadaan dadka balwadda ka dhigtay ciyaaraha game-ka muuqaalka ah iyo aflaanta kartoonka ah. Ereygaasi wuxuu yahay otaku.

Wariyaha BBC Stephanie Hegarty, oo arrintan warbixin ka diyaariyey wuxuu sheegay in dad badan oo ‘otaku’ waxay hadda sheegaan iney jeceyl u qaadaan boombala dhaqdhaqaaqyada kala duwan sameeya iyaga oo mararka qaar ku beddesha jeceylkii ay jinsiga kale ee dabiiciga ah ay u qaadi lahaayeen.

Akihiko Kondo subixii, marka uu hurdada ka toosayo, wuxuu ku kacaa codka ‘xaaskiisa’ oo ah boombala. Guriga marka uu ku sugan yahayna waxay ugu yeerta cod dumar oo dheer iyada oo mararka qaar codkeeda qurxiso. Waxayna u soo bandhigeysaa dhaqdhaqaaq ciyaareed. Waxay hadba dhinac ugu soconeysaa guriga, waxayna ka dalbaneysaa inuu sariirta ka kaco.

Sida oo kale waxay gacanteeda ku qabaneysaa gacmihiisa, haddii uusan si wacan u soo jeedina wuxuuba dhageysan karaa heesaha boombalada oo ay qaaddo oo YouTube ku jira.

Sababta uu Akihiko ‘Xaaskiisa’ aad ugu sii jecel yahay waxay tahay in boombalaha la siiyey dabeecada ah in loogu yeero Miku.

Akihiko KondoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Boombalada waxay ku jirtaa dhala yar oo la dhigay qolka uu Akihiko ku nool yahay, waxayna leedahay tima dheer oo jilicsan iyo dhisma jireed yar oo sida qofka u sameeysan. Akihiko ayaa habeenkii agtiisa dhigta.

Akihiko wuxuu sheegay dhaqdhaqaaq kasta iyo cod kasta oo ay soo saareyso iyo nalalka iftiinka ee ay bixineyso intaba in ay yihiin kuwa farriimo gaar ah xambaarsan oo ay ku gudbineyso isla-markaana uu isagu si wanaagsan u fahmayo.

Labada lammaane, waa Akihiko iyo Xaaskiisa, waxay xafladdooda arooska dhigteen bishii November ee sannadki hore. Xafladda ay dhigteen ma ahayn mid aad u weyn balse waxay dhigteen aroos ay ka qayb galeen 39 qof oo marti ah.

Waxay iska duubeen muuqaal laga dheehanayo Akihiko oo aad ugu faraxsan ‘xaaskiisa’ uu calmaday.

“Laba sababood ayaan u wacneyd in aan arrooska shaaciyo” ayuu yiri.

“Waa tan koobaade inaan Miku (boombalada) uu u muujiyo jeceylka uu u qabo iyo dadka faraha badan ee isaga la midka ah oo jeceylka u qaaday Otaku aan u dhiirrageliyo.”

Akihiko KondoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Otaku ayaa noqotay mid dalka Japan ku soo badaneysa aadna looga xiiseeyo dad badan oo reer Japan ah ayaana jeceyl u qaada.

Dadka qaar oo la mid ah Akihiko, xiriirka uu la leeyahay boombalada xaaska u ah wuxuu gaarsiisan yahay heer aad u sarreeya isaga oo weliba kaga maarmay xidhiidhka dabiiciga ee uu dumarka la yeelan lahaa. Akihiko wuxuu tusaale u yahay tirada sii kordheyso ee ragga dalka Japan ee xiriirka jaceyl la wadaago boombala.

Sannadki hore shirkadda Gatebox oo Akihiko u sameeysay boombaladan uu jecel yahay ee Miku, waxay siisay “shahaadada guurka” oo aan la shaacin, waxayna sheegtay shirkaddu iney shahaadada ay ka soo dalbadeen 3,700 oo qof.

Tiradaasina ma aha mid caddeyn u ah kororka xidhiidhka dadka caadiga ah iyo boombala dhex maraya.

Muuqaalka Miku

Barafasoor Masahiro Yamada, oo ku takhasusay arrimaha bulshada oo wargeyska Yomiuri ay su’aalo ka weydiisay xiriirka cusub ee ka dhex abuurmaya dadka iyo boombalada, wuxuu sheegay iney muddo sannado ah ay daraasad ku sameeyeen dhalinyarada xiriirka noocan ah doorbidaya waxa ay dareemayaan.

Wuxuuna sheegay “iney soo kordhayaan xiriirka lalal yeesha”. Pseudo daraasadda ay sameeyeenna 12% dhalinyarada ayba jeceyl u qaadaan boombalada, balse waxaa isweydiin mudan arrintan halka ay ku dambeyn karto?

“Arrimo badan oo sababaya xaaladdan waxaa mid ah, dhaqaalaha iyo dhaqanka”, ayuu yiri Yamada.

Tan ugu horreysa waxay tahay in dumarka reer Japan intooda badan aysan qaddarineyn ninka ragga ee aan lacag haysan. Illaa uu lacag badan sameeyo wax xiriir ah lama yeelanayaan.

Daraasad 2016-kii la sameeyey waxaa lagu ogaaday in 47% dumarka ay da’dooda u dhaxeyso 20-29 jir, ayna doonayaan iney sameeyeen iney aaminsan yihiin in raggu lacag sameeyaan, dumarkana ay howsha guriga ka adkaadaan.

“Waddamada Asia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed dadka ku nool waa iney mushaar badan ku shaqeeyaan si ay rabitaanka dumarka u buuxiyaan kama daalaan, oo weliba dadkaan ayay ka qaaadaan,” ayuu yiri.

“Dumarka Japan aad uma qiimeeyaan jeceylka dhabta ah, balse wax walba waxay ka hormariyaan oo ay aaminsan yihiin lacag oo keli ah,” ayuuna sii raaciyey.

Akihiko oo la jiifo Miku

Hikikomori, wuxuuna sheegay, “In arrintan ay tahay mid caadi ka ah dhalinyarada dalalka japan iyo Koonfurta Kuuriya gaar ahaan ragga, waxayna guriyahooda ku haystaan bombalooyin u gaar ah oo ay la saaxibaan mararka qaarna ayba jeceyl u qaadaan. Dadkaasi oo lagu qayaaso hal milyan oo qof waxaana la rajeeynayaa iney arrintan sannado sii socoto.”

“Mararka qaar inaan heesaheeda dhageysto dareen gaar ah ayey igu dhalisaa. Sida ay u ciyaareyso, iyada oo mataleyso dumar; sida iyada oo ila hadleysa, xilligaasi wadnahayga aad ayuu u garaacmaa,” ayuu yiri.

“Waxay ka mid tahay sababta aan u jecelahay muhiimna ay iigu tahay.”

“Dareenka iyo xiriirka aan boombalada la wadaageyso kama duwana kan caadiga ah ee ay dadka kala jinsiga ah wadaagaan, niyaddeyda iyo qalbigeygaba waxaan ka dareemayaa jeceylka aan iyada u qabo.”

Wuxuu sheegay inuu muddo 10 sana ah uu xiriir la lahaa ka dibna uu go’aansaday inuu guursado. Wuxuuna marwalba Miku u sheegtaa inuu jecel yahay, iyaduna jeceylka uu u sheegtay waa ay uga jawaabtaa.

Balse wax intaa dheer ma sameyn karo, muhiimaddana waa in aan faraxsanahay.

“Waxaan isu haynaa jeceyl nooc walba leh waxaanna haysanaa farxad nooc walba leh.”