Sanjay Dutt: Wasiirka waa saaxiibkey laakiin arrinta uu iga sheegay waxba kama jiraan

Jilaaga caanka ah ee shirkadda Filimada Bolywood-ka, Sanjay Dutt ayaa beeniyay war kasoo baxay wasiir ka tirsan xukuumadda Hindiya.

Wasiirka xoolaha iyo horumarinta wax soo saarka caanaha Mahadev Jankar ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in atoorahan uu mar dhow dib ugu soo laaban doono siyaasadda ee waddankaas.

Wuxuu saxaafadda u sheegay in Mr Dutt uu xubin ka noqon doono xisbigiisa lagu magacaabo Rashtriya Samaj Paksh, marka la gaaro 25-ka bisha Sitember ee foodda nagu soo heysa.

Hase yeeshee, jilaaga 60 jirka ah, oo mar horay ugu biiray siyaasadda, kana mid ahaa xisbiga Samajwadi, ayaa sheegay in uu guul wacan u rajeynayo wasiirka balse uusan marnaba gali doonin xisbigiisa.

“Kuma biiri doono wax xisbi siyaasadeed ah. Mr Jankar waa saaxiib qaali igu ah, oo waliba walaalkey ah, anigana waxaan si naxariis leh mustaqbalkiisa siyaasadeed ugu rajeynayaa nasiib wacan”, Mr Dutt ayaa sidaas ku yiri bayaan kooban oo uu u gudbiyay warbaahinta.

Muxuu yiri Wasiirka?

Mr Jankar ayaa sheegay in xisbiga RSP, oo ah garab yar oo xisbiga talada haya ee BJP u qaabilsan gobolka Maharashtra, uu ku howlan yahay sidii uu u badin lahaa xubnihiisa.

Siyaasigan ayaa intaas ku daray inuu hadda isha ku hayo jilayaasha filimada, kuwaasoo ay doonayaan inay xisbigooda ku daraan.

“Waxaan billownay inaan la shaqeyno waaxda dhinaca filimada, waxaana ku guda jirnaa inaan ballaarinno xisbiga. Sidaas darteedna, Sanjay Dutt xitaa wuu nagu soo biirayaa 25-ka bisha Sitember”, ayuu yiri wasiirka.

 

Mr Dutt ayaa sanadkii 2009-kii ku biiray xisbiga Samajwadi Party (SP), isagoo u noqday musharraxa deegaan baarlamaaneedka Lucknow Lok Sabha, sida uu baahiyay Telefishinka NDTV.

Laakiin wuxuu musharraxnimadiisa ka noqday ka dib markii ay maxkamad ku gacan seyrtay inay laasho dambi lagu helay, iyadoo u cuskaneysa xeerka ciidamada qalabka sida.

Atoorahan, oo sidoo kale filimada soo saara, ayaa markii dambe loo magacaabay xog hayaha guud ee xisbigaas, balse wuxuu goor dambe iska casilay xilkaas, wuxuuna gabi ahaanba isaga baxay xisbiga.

Wararka ku saabsan in Sanjay Dutt uu ku biirayo siyaasadda ayaa soo billowday ka hor doorashadii kursiga baarlamaanka ee degmada Lok Sabha, ee dhacday sanadkan 2019-ka.

Laakiin atoorahan ayaa mar walba beeninayay wararka noocaas ah.

Sanjay aabihiis, oo lagu magacaabi jiray Sunil Dutt ayaa horay ugu guuleystay doorashada degmada waqooyiga-galbeed ee magaalada Mubai.

Wuxuu 5 jeer oo isku xigta kusoo laabtay jagada hoggaamiyaha aqalka wakiillada.

Jilaagan rug caddaaga ah ayaa sidoo kale soo noqday wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha sanadkii 2004-tii, ka hor inta uusan geeriyoonin sanadkii 2005-tii.

Mr Dutt walaashiis Priya Dutt ayaa iyadana soo noqotay xildhibaan ka tirsan aqalka wakiillada ee Mumbai.

Exit mobile version