WARARKA




Sheekadii Damaciisii Badnaa Dumarkii isa Seege! Qaybtii 2aad. W/Q Rashiid

Magan markii uu, ogaaday barayfadka ay kaafiyi dhigato wuxuu ku tashaday inuu isna isa soo qoro si uu inuun fursad ugu helo Kaafiya inuu la kulmo hase yeeshee dhaqaalaha xaafadooda ayaan u saamaxayn Magan in barayfad laga bixiyo waayo? qoyskooda isagaa u wayn aabahiina wax shaqo ah ma hayo hooyadii ayaa suuqa alaabyar ku iibisa intaasina masaariiftooda ayay dirqi ku gaadhaa.
wuxuu ka fikiray maxaad samaysaa,maalintii uu arkay oo khamiis ahayd ayuu is yidhi miyaad sugtaa maalinteeda mise maalmo kalena way dhigataa naftii ayaa marba talo ku dhalisay ,isagoo naftiisa lahadlaaya ayuu is yidhi sabtida tag oo soo hubso inay timaad iyo inkale lacagta basraacuna isaga way ku adag tahay xaafadooduna way ka fogtahay barayfadka wakhtiguna waa xagaa oo waa kulayl casarka iyo makhrib-dhexdoodana waabay sii darantahay,wxuu go,aansaday inuu lugeeyo laga bilaabo Sabtida waqtigii uu maalintii arkay ka horna meel iskuulka u dhaw uu sii is taago,bal si uu inuun u arko hase yeeshee maalintii muu arag,hadana maalintii xigtay ayuu tagay isla saacadii maalintaana wuu ku hungoobay,Magan magaranaayo meel kale oo uu ka raadiyo waxanad moodaa maalinba maalinta ka dambaysa in waxan uu Kaafiya ka doonayaa uu ku sii siyaadaayo,iyo waliba sida fudud ee waxani ku galay.

siduu maalin walba u tagaayay baraayfadkii Kaafiyi dhiganaysay ayuu Arbacadii arkay iyada oo markale la socota gabdhihii ay maalintii hore la socotay way iska sheekaysanaayaan gabdhuhu aduunkalana war uma hayaan,in Kaafiya oo hablaha ka mida daraadeed qoraxda dadka dhibaysaa naf aanay dhibayni masaafo dheer u soo lugayso.

haddaba Magan aragye muxuu odhan ma indhuhuu wax kaga guri?ma dooonaayo inuu la hadlo iyadoo la arkaayo, dhaqankana waaba ceeb inaad inan afka la gasho wakhtigaa isaguna sharaftiisa iyo tan inantaba wuu ilaalinayaa hadana nafta wuu hayn kari laayahay isagoo naftiisa iskala showraaya ayuu is yidhi sug ilaa baraayfadka laga soo baxaayo bal in aad fursad ay kalideed tahay aad hesho markii lagu dhawaaday in laga soo baxo ayaa waxaa si kadis ah usoo ag is taagay Magan oo isla maqan Sahal oo ay Magan dusha iska yaqaanaan,da ahaana waxoogaa ka wayn markaasuu salaamay Magana waa ka qaaday isagoo naxsan isna yidhi malaha waxaad meesha u joogtaa la ogaaday waayo? Waayo- aragnimo uma laha arimaha noocan ah waligiina inan inuu lahadlo iska daaye niyadiisaba ma soo galin, Sahal ayaa su,aalay ma qof ayaad sugaysay? Intii aanu Magan su aasha ka jawaabin ayaa waxaa soo baxday Kaafiya oo la socota hablihii kale,Sahal wuxuu eegay dhinacay hablahu ka xigeen Magan ayaana iska dhaqaaq maagay Sahal aya ka codsaday wax yar ila jog inantaasaan sugayaaye intay gabdhuhu ka hadhayaan.

Magan ayaa isagoon is ogayn yidhi waa inantee Sahalna tilmaan tay tahay waaba Kaafiyadii uu manta iyo maalma kaloo badanba sugi jiray dhulka ayaa la wareegay haddii uu Sahahal u fiirsan lahaana waa fahmi lahaa in Magan wax iska badaleen laakiin uma fiirsan oo wax kalaa umuuqda.Magan ayaa yidhi ma waxbaad isku tihiin?maya inaan qabtaan doonayaa ayuu ku jawaabay Sahal,oo macnaheedu tahay inaan la sheekaystaan doonayaa cabaar ayaa la sii wada taagnaa,Magan oo yoolbaadhaaya ayaa yidhi sow inantii dhiganaysay maaha 12 Oktobar,haa ayuu yidhi Sahal oo horta xagay uga badalatay iskuulkaa wuxuna yidhi Xuseen-Giire haa waan gartay,kadibna hablihii ayaa maca salaameeyay Kaafiya Sahalna daba dhaqaaq,Magan ayay talo ku ciirtay oo is yidhi waar maxaa masaa,ibtan kuu soo diray tolow adna ma ka daba tagtaa iyo sow ninkani kaa shakiyi mayo isagoo aad u niyad jabsan dhinac kalana waxoogaa yididiilo ah qaba waayo iskuulkay dhigato ayuu ogaaday ayuu meeshii ka soo luuday.aad ayuu naftiisa ula hadlayaa waxaanu is lee yahay khalaas waa lagaaga horeeyay oo rajo malihid iyo inay wuxuu ula socdo ka ogolaan yaa war u haya! la soco qaybta 3aad….

 

Qalinkii:Rashka Xaaji.
rashidrwy@gmail.com