Siddeed arrimood oo lagu garto ragga xaasaskooda dila

Sanadkii 2017-kii oo kaliya, qiyaastii 30,000 oo haween ah ayaa ku dhintay gacanta rag ay wada joogaan ama ay horay xiriir u lahaan jireen.

Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo ku takhasustay daraaseynta dambiyada ayaa sheegtay in ragga lamaaneyaashooda dila ay ka siman yihiin “qodobbo dhowr ah”, kuwaasoo haddii ay boolisku tix raacaan lagu hor istaagi karo dilal badan.

Dr Jane Monckton Smith ayaa 8 astaamood oo isku mid ah ka heshay dhammaan 372 dil oo ka dhacay gudaha UK.

Macallimaddan wax ka dhigta jaamacadda Gloucestershire ayaa sheegtay in xakameynta dabeecadda ay noqon karto talaabo fure u ah in la ogaado qofka damacsan inuu dilo lamaanihiisa.

Aabaha dhalay mid ka mid ah hawenka la dilay ayaa sheegay in natiijadan ay gacan ka geysan karto “in dad badan naftooda la badbaadiyo”.

Dr Monckton Smith waxay sheegtay in dumarku ay 80% ka yihiin lamaaneyaasha la dilo, taasoo ay micnaheeda tahay in raggu ay yihiin kuwa ugu badan ee dilka geysta.

Si ay daraasaddeeda u sameyso waxay u kuur gashay dhammaan kiisaskii la diiwaan galiyay, kuwaasoo ku saabsanaa haween ay dileen rag xiriir haasaawe uu kala dhaxeeyay ama ay wada joogeen.

Waxay sidoo kale baaritaan ku sameysay kiisas ku saabsan rag ku dhintay gacanta haweenkii ay xiriirka la lahaayeen.

8 tallaabo oo ay sheegtay inay wada qaadeen raggii dilalka geystay ayaa kala ahaa:

  • In ninka dilka fuliyay uu tacaddiyo u geysan jiray lamaantiisa xitaa inta aysan xiriirka jacaylka sameysanin ka hor.
  • In xiriir dhinaca jirka ah oo labada qof dhex mara uu si deg deg ah u horseedo inay ku heshiiyaan xiriir jacayl.
  • In xiriirka laba qof uu noqdo mid ku dhisan handadaad iyo xukun
  • Arrin sababta in qofka uu is xakameyn waayo – tusaale ahaan in xiriirka uu soo afjarmo ama in qofka dilka geystay ay soo wajahdo dhaqaale darro.
  • In ay meel xun gaaraan xeeladaha uu ninka u adeegsado inuu ku maamulo lmaantiisa, sida inuu ku hanjabo in haddii warkiisa la aqbali waayo uu isdili doono.
  • in ninka uu go’aan ku gaaro inuu ka tanaasulo jacaylka, isagoo markaas ka dib dilka u geysta haweeneyda ama si kale uga aarsada.
  • In ninka uu sameysto qorshe, isagoo soo iibsada hub ama raadiya fursad kalinimo ah oo uu ku dilo lamaantiisa.
  • Dil baahsan – ninka oo dila haweeneyda lamaantiisa ah ka dibna u dhaqaaqa inuu waxyeello u geysto dad kale, sida carruurta ay dhashay haweeneyda uu dilay.
Alice Ruggles

Mar uu daraasdadan jawaab ka bixinayay aabaha gabar lagu magacaabi jiray Alice Ruggles, oo la dilay sanadkii 2016-kii ayaa sheegay in arrimahan wax badan laga baddali lahaa haddii ay boolisku tallaabo qaadaan, iyagoo raacaya natiijada ay soo saartay Dr Monckton Smith.

Alice Ruggles, oo 24 jir ahayd ayaa dhimatay ka dib markii uu nin ay saaxiib horay ula ahaan jirtay koronto ku dilay. dhacdadaas ayaana timid ka dib markii uu xiriirkoodii kusoo afjarmay ismaandhaaf.

Aabaheed oo lagu magacaabo Clive Ruggles ayaa sheegay in saxiibkii hore ee gabadhiisa uu mar walba isku dayi jiray inuu gabdha maamulo.

Dr Monckton Smith
Presentational white space

Dr Monckton Smith Waxay daraasadeeda la kaashatay qareenno, saraakiil ka tirsan booliska iyo shakhsiyaad kale oo ku sugan UK.

Natiijada ay soo saartay waxaa sidoo kale lagu daabacay wargeyska wax ka qora tacaddiyada loo geysto haweenka, ee kasoo baxa isla dalka Ingiriiska.

Waxay hadda rajeyneysaa in dad badan lagu sii faafiyo macluumaadka ay soo saartay, si wax looga qabto dilalka loo geysto haweenka.