Toogasho Ka Dhacday Masaajid Ku Yaala Dalka Norwey

Masaajidka Al Noor Islamic Centeree ku yaala dagmo lagu magaacaabo Bærum oo ku taal dalka Norwey ayaa lagu dhaawacay hal qof, kadib markii nin ku hubaysnaa baaskoolad uu la dhacay rasaas dadkii ku sugnaa masaajidka.

Booliska degmadaa ayaa sheegay in ay fariinta toogashada heleen saacadu markii ay ahayd 16:04 daqiiqo, ayna gacanta ku dhigeen qofkii toogashada ka danbeeyey hawlgal ay sameeyeen ka dib.
Ninka toogashada gaystay ayaa ah nin cadaan ah oo sitay dirays iyo kjoofiyad bir ah.

Toogashadan ayaa dhacday kadib markii laga baxay salaada casar, iyadda oo ay dadka masaajidka ku tukaday ay akhrisanayeen quraan salaada kadib sida uu warbaahinta u sheegay Irfan Mushtaq oo ah amiirka masaajidka.

Isga oo waraabihinta la sii hadlaya ayuu intaas ku daray in ninka toogashada gaystay uu ahaa nin cad oo ah dadka dalka iska leh, sitayna baaskooldo, rasaastana ku bilaabay darbiyada iyo

muraayadaha taas oo ka soo dhex baxday, kadibna uu soo masaajidka, intii ay booliska sugayeena qaadatay lix ilaa toddoba daqiiqo.
Ninka ku dhaawcmay toogashadan ayaa lagu sheegay in uu muddo badan ka mid ahaa xubnaha masaajidka oday da’ ahna ahaa, waxaana dhaawaciisa qaaday gawaadhida gurmadka dagdgam iyadda oo la sheegay in xaaladiisu fiican tahay kana dhaawacmay qaybta hoose jidhka.
Warbaahinta Tv2 ee dalka Norwey oo la hadashay xubnihii ku jiray masaajidka ayaa sheegtay in wakhtiga ay toogashadu dhacaysay ay ku sugnaayeen caruur badan oo loogu dhigaayey quraanka, iyadda oo lagu jiro dabayaaqadii fasaxa iskuulada.