Shacabka dalka Danmark ayaa amakaag iyo fajac ay ku noqotay kadib markii ay warbaahinta caalamku qortay in Trump soo bandhigay in laga iibsado dalka Danmark jasiiradda caalamka ugu wayn ee greenland.
Trump ayaa kala hadlay sharci yaqaanadiisa iibsashada jasiirad, iyaga oo ku qancay in ay sax tahay, waxaana sheekada qoray ugu horaan jariidadda Wall Street Journal.
Xildhibaan Aaja Larsen ayaa u sheegay jariidada Financial Times, in ay tahay fikir xun, waxaanan idhi maya Trump.
Raisal wasaarihii hore ee dalka Danmark Lars Lokke ayaa isaguna yidhi waa maalintii kaftankii April, oo ula jeedo cayaar iyo maaweelo.
Dawlada Danmark ilaa hadda kama hadal, maada ay jirin cadaymo muujinaya oo la soo bandhigay, balse afhayeenka arimaha dibada ee xisbiga midigta fog Soren Espersen ayaa u sheegay wariye ka tirsan wakaalada weararka DR hadii ay run tahay in uu ka shaqaynaayo fikradahan Trump waxay cadaynaysaa in uu waalan yahay, waana in aaan ku nidhaahnaa fikarada ah in Danmark ka iibiso Maraykanka 50.000 oo muwaadiniin ah gabi ahaanba waa waali.