Trump Oo Qorshaynaya Inuu la Kulmo Hogaamiyaha Irana Rouhani.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorshaynayo fursad wanaagsan oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, toddobaadyada soo socda.

Trump ayaa sheegay in Kulankan haddii uu dhaco la isku dayi doono in looga wada xaajoodo heshiis cusub oo wax looga qabto hubka Nukliyeerka ee Iran, kaasi oo beddeli doona heshiiskii caalamiga ahaa ee 2015 ee Trump uu ka baxay sanadkii tagay.

Trump oo ka hadlayey dhammaadka shirkii G-7 ee ka dhacay dalka Faransiiska ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in Iran ay dooneyso in la kulmo.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in cunaqabateenada dhaqaale ee uu dib u saaray Iran sanad ka hor “ay dhab ahaantii aad u dhaawaceen ayaga”, xilli Trump uu aad u xaddiday saliidda ay dibedda u dhoofiso.

Trump ayaa shuruud ka dhigay in kulan kasta oo uu la yeelanayo Rouhani ay ka hor Iran xaqiijiso inaysan xiisad kale ka abuuri doonin gobolka ayada oo qaadeysa dhaq-dhaqaaq militari iyo weeraro.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiis kasta uu noqdo mid mamnuucaya barnaamijka Nukliyeerka Iran wax ka badan 10-kii sano ee ku dhignaa heshiiskii 2015.