Nin u dhashay dalka Cambodia ayaa lasoo badbaadiyay ka dib markii uu 4 maalmood ku xayirnaa labo dhagax dhexdood, kuwaasoo uu ku dhex dhacay maalintii Axadda.
Ninkan ayaa marka ay arrintani ku dhaceysay waxa uu saalada kibilliga ka raadinayay dhagaxyo ku yaalla dhul buuraley ah oo howdha dhexdiisa ah.
Sum Bora ayaa simbiriirixday isasoo damcaya inuu soo qabsado tooshkii uu watay oo ka dhacay, sida ay sheegeen booliska ka howlgala gobolka waqooyiga-galbeed ee Battambang.
26 jirkan oo ay ka dhamaadeen raashinkii iyo biyihii uu watay ayaa la helay maalintii Talaadada, ka dib markii ay qoyskiisa billaabeen inay raadiyaan.
Howlgalkii goobtaas looga soo saaray ayaa socday muddo 10 saacadood ah, waxaana ka qeyb galay ilaa 200 oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka.
Saraakiisha ayaa sheegay in hadda lagu daweynayo isbitaal maxalli ah.
“Ugu dambeyn nolosha waan ka rajo dhigay, haddaan toorri heysan lahaana waan isdili lahaa”, ayuu yiri Mr Bora, oo ka hadlayay muuqaal laga soo duubay, sida uu tabiyay wargeyska Khmer Times.
Saalada Kibilliga ee uu ninkan soo guranayay ayaa loo isticmaalaa bacriminta beeraha, waxaana aad looga jecelyahay dalka Cambodia, oo kamid ah waddamada ugu saboolsan koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya.
Mr Bora oo ku dhex xayirmay dhagaxyada buurta lagu magacaabo Chakrai ayaa waxaa ugu dambeyn helay saaxiibkiis oo inta badan u imaan jiray si uu saalada ula soo guro.
“Aniga iyo saaxiibkeyga waxaan nahay caato, marka wuxuu kasoo dhex xaluushay dhagaxyadii, wuxuuna iigu yimid meeshii aan ku jiray”, ayuu yiri Bora.
Kooxaha gurmadka deg degga ayaa goor dambe tagay halkaas, balse markii ugu horreysay waxay ku guul darreysteen inay kasoo saaraan, maadaama meesha buurta godkeeda laga galo ay tahay mid aad u yar.
Hase yeeshee koox kale oo badan ayaa goobta lagu geeyay diyaarad helikobtar ah, si ay gacan uga geystaan badbaadinta ninkaas.
Xaaska Mr Bora oo lagu magacaabo Koeun Sothea, ayaa warbaahinta u sheegtay in seygeeda laga daweeyay dhaawacyo ka gaaray madaxa, jilibka iyo xabadka.
Ms Sothea ayaa sidoo kale uga mahad celisay ra’iisul wasaaraha Cambodia Hun Sen sida uu ugu soo diray gurmadka, isagoo qoyska siiyay deeq lacageed oo gaareysa $2,500 oo doolar.
Taliyaha booliska, Sareth Viseth , ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in hadda la mamnuucay koritaanka buuraha, si looga hor tago dhibaatooyinka noocan ah.