Wargeyska L’Indro oo ka soo baxa Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya qoraalkaasciwaan uga dhigay”Somaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oomuddo dheer iska soo horjeeday.”
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Wargeyska L’Indro ooka warramaysidii ay 1960kii u midoobeenJamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
Waxa kaloo uu ka hadlay sidii kaligii taliyihii Siyaad Barre u waxyeeleeyey reer Somaliland isla markaanadhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u go’doomiyey ummadda Somaliland.
Wargeysku inkasta oo uu taabacsanaaSoomaaliya, waxase uuqiray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal muhiimad weyn u leh dalalka Khaliijka, gaar ahaanImaaraadka Carabta. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Kenya ay cilaaqaad ganacsi la samaysanayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo aan haddana weli ictiraafin.
Warsidaha L’Indro wuxuu xusay in shacabka Somaliland ayku nool yihiinnabadgelyo buuxda, kuna tallaabsadeen horusocod dhaqaale oo aan ka jirinSoomaaliya oo dhibanne u noqotay dagaalo sokeeye.
Joornaalku wuxuu caddeeyey in Maraykanka, Qarammada Midoobayiyo midowga Afrika aydedaal weyn geliyeen Soomaaliya hase yeeshee aanay wax nabad ahi ka dhalan Soomaaliya.
Wargeysku wuxuu ka hadlay sida ay u kala fogaadeen Somaliland iyo Soomaaliya iyo dagaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya labada dhinac, waxaanu intaas raaciyey in cidda qudha ee wadahadal midho-dhal ah u qaban karta Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay Midowga Afrika oo kaashada Qarammada Midoobay iyo dalalka Midowga Yurub.
Ugu dambeyntii, Warsidaha L’Indro oo wuxuu caddeeyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay kordhisay dalabkeeda aqoonsi raadinta.