Wariye 30 Sano Ka Hawl Geli Jiray Bbcsomali Oo Uu Madaxweyneha Puntland Xil U Magacaabay

Madaxweynaha Puntland ayaa Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaana ka dhex muuqda Wariye muddo dheer ka tirsanaan jiray Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne maanta ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland.

Bayaan lagu caddeynayay wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yiri:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq

2. Sahra Jaamac Saalax

3. Cali Jaamac Faarax

4. Cabdullaahi faarax Mire

5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle

6. Guulleed Saalax Bare

7. Jaamac Xirsi Faarax

8. Xafso Salaad Maxamed

9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.