Koooxda Barcelona ayaa xooga saaraysa sidii ay ku kala diri lahayd kooxaha ay xifaaltamayaan ee Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay u muuqda kuwo ka shaqaynaya xaalada Neymar JR.
Barcelona ayaa mudo dheer soo ahayd kooxda sida kaliga ah u doonaysay saxeexa 27 jirka ree Brazil iyadoo la aaminsanaa in isaga qudhiisu uu doonayay inuu ku laabto Camp Nou balse maalmihii ugu dambeeyay ayay wararku is bedeleen.
Xogihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in PSG iyo Real Madrid ay dhinac uga soo wada jeedsanayaan Barcelona isla markaana ay wadaan qorshe Neymar lagu geynayo Estadio Santiago Bernabeu.
Iyadoo hore Barcelona looga soo diiday dalabaad dhawr ah ayay Real Madrid u gudbisay Paris dalab iskugu jiray xiddigeeda khadka dhexe ee Luka Modric oo lagu daray 110 Milyan oo kaash ah.
Walow aan la ogayn jawaabta ay Paris Saint-Germain kasoo bixisay dalabkaas haddana xaqiiqada ah in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo madaxda kooxaha caasimadaha France iyo Spain ayaa wer-wer ku abuuraysa Barcelona.