Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa weerar afka ah ku qaaday raysalwasaare Boris Johnson isaga oo ku eedeeyay in kaliya uu u taageeray qorshaha Brexit si uu xilka u fuulo una adkaysto shaqadiisa, sida laga soo xigtay xusuusqorka Mr. Cameron oo la daabcay maanta oo Axad ah.
Mr. Cameron ayaa xusuus qorkiisa ku sheegay in Boris ololahii uu galay ee ka bixitaanka Midawga Yurub ee 2016-kii ay ka hayd mid istusnimo ah oo uu sumcad kaga dhex raadinayay xisbiga Conservative-ka si uu danihiisa shaqsi ugu gaadho.
“Waxa ay ila tahay Boris waxa uu hoosta ka aaminsan yahay in afti kale la qaado si qiil loogu helo shuruudaha ka bixitaanka Midawga Yurub, taas oo ah talaabo uu bilawgii si wayn u dhaliili jiray”
David Cameroon ayaa hogaaminayay garabkii taageersanaa in Midawga Yurub lagu sii jiro intii ay socotay aftidii galaafatay xilkiisa ee uu ku guuldaraystay sanadkii 2016-kii, waxana Qoraalladiisa oo lagu daabacay joornaalka Sunday Times, uu ku sheegay in kooxda ilaa hada u ololaynaysa qorshaha Brexit inay yihiin kuwo been u sheegay shacabka.
Raysal Wasaare Boris Johnson ayaa si wayn ugu adkaysanaya in uu UK ka saari doono Midawga Yurub, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay in heshiis uu la gaadho midawga Yurub, hadii uu heshiiskaas dhicisoobana ay shuruud la’aan UK ka baxayso midawga Yurub.