Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa bilaabay xilka-xayuubin rasmi ah oo la xidhiidha madaxweynaha Donald Trump, taas oo ah inuu ka codsaday Ukraine taageero siyaasadeed, sida ay qoreen warbaahinta Mareykanka.
Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka oo la hadashay telefishenka CNN ee dalkaas ayaa sheegtay in ujeedada qorshahan xil ka qaadista laga eegayo dhanka sharciga iyo in uu Madaxweynaha jebiyay sharciga Mareykanka.
Trump ayay sheegtay in uu isaga xilka iska qaadayo, marka la fiiriyo khaladaadkii uu sameeyay.
“Marka aan si gaar ah u eegno dhacdadan, way iska caddahay in Madaxweynaha uu sharciga ka sareeyo”,ayay tiri Ilhaan Cumar oo la hadleesay CNN.
Afhayeenka aqalka Kongreska ayay Ilhan Cumar sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qorshahan xil ka qaadista Madaxweyne Trump, waxaana ay intaa raacisay in Nancy ay dooneyso in qorshahan la dadejiyo.
Qorshaha la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay in uu ka yimid madaxda sare ee xisbiga dimuqraaddiga, waxaana afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay “in Madaxweynaha uu la kulmaa isla xisaabtan dhab ah”.
Mr Trump ayaa ku gacan seyray qorshahan la doonayo in xilka looga qaado, wuxuuna ku tilmaamay mid aan macno badneyn.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii la shaaciyay warbixin sheegeysa in Madaxweynaha uu xiriir la sameeyay dhiggiisa Ukraine, si uu cadaadis ugu saari in baaritaan lagu sameeyo Madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Bidde iyo wiil uu dhalay oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee dalkaas.
Intii lagu jiray shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya Magaalada New York, Mr Trump waxaa bartiisa Twiter-ka uu kaga hadlay arrimo la xiriira qorshaha la doonayo in xilka looga qaado.
Trump ayaa qirtay in Zelensky oo ah Madaxweynaha Ukraine uu kala hadlay arrimo la xiriira Joe Biden, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, si uu ula kulma sannadka 2020.
Mr Trump wuxuu sheegtay caddeyn la’aan in madaxweyne ku xigeenkii hore uu faragalin ku sameeyay in dacwad oogayaal reer Ukraine ahaa, si loo baaro wiil uu dhalay Joe Biden, oo ah iminka kamid ah agaasimayaasha shirkadda tamarta ee Ukraine.
Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Mr Trump uu ku kacay “ku takrifal sharci”, waxayna ku tilmaamtay ficilladiisa “in uu ku guuldarraystay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa”.
“Toddobaadkan Madaxweynaha wuxuu qirtay inuu weydiistay Madaxweynaha Ukraine in uu qaado ficil u anfacaya siyaasad ahaan,” ayay tidhi.
Mr Biden wuxuu dafiray qaladkiisa wuxuuna sidoo kale taageeray dacwadaha la xidhiidha xilka-qaadistaasi, illaa iyo inta Madaxweynaha Mareykanka uu u hogaansamayo baaritanaada lagu sameynayo.
Xilka-qaadidda Mr Trump “waxay noqon doontaa musiibo”, ayuu yidhi Mr Biden oo ka hadlay qorshahan.
Horay uma aanay dhicin in xilka laga qaado Madaxweyne Mareykan ah oo xil haya, waxaana aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto