Faransiiska: Dibadabaxayaaasha Hurdiga Oo Digaandigaha Ka Dhigay Magaalada Montpellier

Boqolaal ruux oo ka mid ah dibadbaxayaasha garanka hurdiga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha Opéra Comédie ee magaalada Montpellier.

Dadkaan ayaa dhamaantood dalbanayay in wax laga qabto maciishada sare ee nolosha.

Banaanbaxyada garamada jaalaha ah oo caan ka noqday Faransiiska ayaa todobaadkii 43-aad ka dhacaya magaalooyin ay ka mid tahay caasimada Paris.

Booliska ayaa dhanka kale sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha kadib markii gawaari gaar loo leeyahay dab la qabadsiiyay.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sare u qaaday bishii November ee sanadkii hore qiimaha shidaalka, waxaana ay saameyn ku yeelatay nolosha shacabka Faransiiska.

Exit mobile version