Kenya:Iskuul mar ahaan jiray xabsi ay dadka ku ciqaabaan Ingiriiska

Iskuul ku yaalla gobolka bartamaha Kenya ayaa waxaa ku yaalla dhismo ay ciidamadii gumeysiga Ingiriiska u isticmali jireen xarigga iyo jirdilka dadkii gobannima doonka ahaa.

Wambugu wa Nyingi oo 91-ayaan u baahnayn in la xusuusiyo goobtani waxay ahan jirtay.

Xabsigani yar ayaa ah mid ka mid ah dhowr xabsi oo sanadkii 1959 uu ku xirnaa muddo 3 bilood ah.

Ma lahayn wax sariir ah qolkani oo dhan 2mitir , loomana ogoleen in uu halkan ka baxo islamarkana waa laga mamnuucay in uu qofna xiriir la smaeeyo.

Iskuulkani oo hadda lagu magacaabo Mweru High School ayaa 60 sano ka hor ka mid ahaa shabakado xabsiyo ahaa oo dhanaa 50 oo ku yaallay dalka Kenya.

Xerooyiinka ayaa dadka looga shakiyo in ay ka mid yihiin dagaalyahanadii Mau Mau lagu xiri jiray islamarkana si arxan daro ah ay ula dhaqmi jireen dowladdii gumeysiga.

.

Dagaalyahanadii Mau Mau ayaa dagaal jabhadeyn ah qaaday 1952 si ay dib ugu helaan dhulkii ay ka qaateen dadkii caddaanka ahaa ka dib markii ay Ingiriiska qabsadeen 1895.

Dowladdii xilligaa jirtay ayaa uga jawaabtay xalad degdeg ah oo ay soo rogtay iyo xarriga kumannaan rag ah oo lagu hayay xerooyiin.

Mar ayaa waxaa xerooyiinkan lagu hayay dad dhan 70,000 oo qof .

ku xareeyntii xerooyiin

Militari ahaan ayaa waxaa sanaddii 1956, laga adkaday kooxdii Mau Mau ka dib markii la qabtay hogaamiyahoodii, Dedan Kimathi, oo markii dambe na la dilay.

Balse xaaladdii degdega ahayd ee dalka lagu soo rogay ayaa sii jirtay saddex sano oo dheeraad ah.

Kenya ayaa markii dambe qaadatay xorriyadda dabayaaqadii 1963 islamarkana dadka taariikh-yahanada waxay ku doodaan in kacdoonkii Mau Mau ay soo dadajisay in la soo afjaro xukunkii gumeystaha.

Mundulkan yar oo xilligii gumeysiga ahaa gob dadka lagu xiro ayaa wali ku yalla deerta iskuulka

Mr wa Nyingi ayaa ka mid ah dadkii lagu eedeeyay in uu ka qayb qatay dhaartii ka mid noqoshada Mau Mau .

laga soo bilaabo 1952 ilaa 1959 waxaa loo warejiyay toboneeyo xero oo dadka lagu xiri jiray ugu dambeyntiina waxaa la geeyay Mweru ka hor intii aan la siideyn.

Hadda Nyingi waxaa dhib ku ah socodka taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay jeebadayntii iyo silsiladihii lagu xiri jiray isaga oo lagu qasbay in uu shaqooyiin adag qabto.

Waxa uu sidoo kale xusuustaa in si ula kac ah cunada loogu diidi jiray islamarkana la garaaci jiray ilaa uu ka suuxo xilligii waxa loogu magac daray xasuuqii Hola sanadii 1959.

Map showing location of detention camps

11 maxbuus oo ku jiray xerada Hola ayaa waxaa dilay askartii ilaalinaysay islamarkana Mr wa Nyingi, uu markii dambe soo miirsaday iyada oo raggii dilka geysanayay ay u maleeynayeen inuu dhintay.

Sanaddii 2013, ka dib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah oo ay galeen dagaalyahanadii hore ee Mau mau oo uu ka mid yahay Mr wa Nyingi, ayaa waxay dowladda Britain qiratay”in Kenyanka loo gaystay jirdil iyo xadgudubyo kale islamarkana ” ay ka shalaaynayso “in xadgudubyo ay dhacen “. kumanaan qofa yaa ka dib helay magdhaw.

.

Dugsiga sare ee Mweru High School, oo aan ka fogeyn goobtii lagu hayn jiray Mr wa Nyingi ayaa waxa ku yaalla qol markii hore xabsi ahaan jiray.

Qolkan ayaa imika ah fasal , balse waxaa saburadda korkeeda ka muuqda in goobta ay ahaan jirtay xabsi.