Kulanka Islaamka Oo Ka Furmay Masjidka Weyn ee Tabliiq Hargeisa.

Hargeisa(GNN):- Kulankan Islaamka oo Gabi ahaan laga kala yimaado dunida islaamka islamarkaana sanadkiiba lagu qabto dal, ayaa maalintii shalay ka bilaabmay magaalada  Hargeisa Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, Masjidka ugu weyn africa ee ay ku kulmaan Culimada iyo ehelu diinka ka yimaada daafaha dunida, oo ah ka labaad ee ay ka dhacaan kulamada noocan ahi ayaa sanadkan waxaa lagu qabtay Masjidka magaalada hargeisa.

Waxaana Dhamaan kasoo Qayb galay culimo iyo musheekh ka kala socoto dalalka jaarka ah ee africa iyo muslimiin kale oo ka yimid daafaha dunida.

Waxaana Halkaasi saddexda cisho ee inagu soo foolka leh ka socon doona wacdiyo iyo waanooyin la xidhiidh isku baraarujinta aakhiro iyo alle ka cabsiga.

Halkaas oo ay kasoo kala jeediyaan Muxaadirooyin aan laga nuuxsan badiba culimada loo daba fadhiisto cilmiga diinta.

Maaha Markii ugu horeysay ee Somaliland lagu Qabto kulankan islmaaka ee ka dhaca Hargeisa Balse waxaa jirta kulamo  noocan oo kale oo kor loogu qaadayo diinta islmaaka oo si joogto ah uga dhaca masjidka Tabliiqa Hargeisa.