Madaxweyne Farmaajo Oo Sawiro Lasoo Galay Gacan Ku Dhiigle Xasuuq U Gaystay Shacabka Somaliland Oo Xukun ku dhacay.

Hargeisa(GNN):-Maxamed C.laahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dawlada fadhiidka ah ee hanan kariwayday Nabadgalyada shacabka muqdisho, ayaa sawiro loo arkayey cadaysiga cadaawada gaamurtay ee uu u qabo shacabka somaliland lasoo galay gacan ku dhiigle hore xasuuqyo bini-aadamtinimo ugu gaystay shacabka somaliland oo maxkamadaha dawlada maraykanku ku xukuntay magdhowga dadkii uu xasuuqa u gaystay wakhtigii uu dalka ka talinayey gumaystihii maxamed siyaad barre.

Arrinta oo aad uga cadhaysiisay dadkii uu dhibaattada gaadhsiiyey dhagar qabe tuke

wakhtigii uu taliyaha ka ahaa gobolada waqooyi galbeed ee dawladii laysku odhan jiray somalia, oo ilaa hadda aan ilaawin tacadiyadii iyo jidh dilkii uu dadka nolosha ku gubay ayaa baraha bulshada ku wadaagayey in madaxweyne farmaajo uu cadaystay inta ay jirto xumaanta iyo cadaawada aan arrxanka lahayn ee nidaamka reernimo kula safttay dhagar qabe Tuke.

Ficiladan fawaaxishta ah ee ay ku dhaqmayaan Madaxweyne farmaajo iyo inta uu maamulo ee la caqliga ahi ayaa isa soo tarayey mudooyinkii u danbeyey taas oo hore ay u dhacday in Magaalada muqdisho uu aas qaran ugu sameeyey cali samater oo isaguna ka mid ahaa raggi isir nacaybka u xasuuqay shacabka somaliland ee ku noolaa dhulkooda.

Waxaana Arrimahan lagu macneeyey kuwo Tusaale fiican u ah doorka nacayb iyo cadaawadeed ee Madaxweyne farmaajo iyo maamulkiisu ka taagan yihiin shacabka somaliland oo ay taariikhdu hore u xustay wixii ay gaadhsiiyeen ragga uu maanta sawirada tiiqtiiqsiga ah lasoo galayo.

Dib u Milicso oo Daaawo Muxuu Gaadhsiiyey Tuke Shacabka Somaliland.