Faransiiska ayaa barooraneysa madaxweynihii hore ee dalkaas, siyaasi rug cadaa ah, iyo u ololeeye midnimada Yurub iyo Afrika, Jacques Chirac oo maanta geeriyooday isaga oo 86 jir ah.
Sharci-dejiyayaasha France ayaa sameeyey daqiiqad aamusnaan ah, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu goor dambe la hadli doono qaranka.
Jacques Chirac waxa uu ahaa siyaasi muddo soo taagnaa. Duqii magaalada Paris muddo 18 sano ah ka hor inta uusan noqon ra’iisul wasaare, kadibna madaxweyne muddo ka badan toban sano.
Waxaa lagu xuusan doonaa waxyaabo badan, oo ay ka mid tahay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Faransiis ah oo qirtay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee xasuuqii Yahuudda Yurub, khudbad uu jeediyey 1985-kii.
Waxa uu sidoo kale kasoo horjeestay qabasashadii Mareykanka ee Iraq sanadii 2003.
Waxaa sidoo kale lagu xuusan doonaa inuu taageere weyn u ahaa Afrika. Chirac waxa uu saaxiib dhow la ahaa dhowr hoggaamiye oo African ah oo ay ku jiraan Omar Bongo oo Gabon ah, Blaise Compaore oo ah Burkina Faso iyo Denis Sassou Nguesso oo Jamhuuriyadda Congo ah.