Madaxweynihii Hore Ee Tunisia Zen Elabidin Bin Cali Oo Geeryooday

Madaxweynihii hore ee Tunisia Zen Elabidin Bin Cali ayaa ku geeriyooday dalka Sacuudiga isagoo 83 jir ah.
Bin Cali oo 30 madaxweyne ka ahaa Tunisia waxaa kacdoon dadweyne lagu riday sanadkii 2011, markaas oo uu magan galyo siyaasadeed ka helay dalka Sacuudiga.

Bin Cali wuxuu dalkaas hoggaaminayay 23 sano, waxaana lagu amaanaa in uu Tunisiya ka dhigay meel xasilloon oo dhaqaale xoogaa ah haysata.

Balse wuxuu wajahayaa dhalleeceyn baahsan oo ah inuu caburiyay siyaasiyiinta iyo inuu musuqmaasuq sameeyay, Sannadkii 2011-kii, waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal kacdoon sameeyay.
Xil ka tuuristiisa waxay sababtay kacdoon ku baahay dalalka Carabta oo si weyn ugu caan baxay Gugii Carabta.

Exit mobile version