Ma howl yara mushkiladaha isbarkan ee hortaagan qabsoomida Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanada, waxaanay isugu jiraan caqabado sharci, kuwo siyaasaddeed iyo nabad-gelyo.
Hase ahaatee qodobka iminka heshiiska laga gaadhay ee magacaabista Guddida Doorashada ee qorshuhu yahay in ay qabtaan Doorashadan oo iyada lafteedu kamid ahayd caqabadaha ka dhashay hirdankii Doorashada Madaxtooyada, ayaa ah talaabo hore loo qaaday, balse kuftadeedda leh, haddii aan si cilmiyeysan oo taxadar leh loo dhisin guddida cusub ee Doorashada, wallow sida muuqata ay asxaabta mucaaridku doonayaan in si durduro ah looga gudbo oo deg deg loo magacaabo xubnaha Komishanka.
Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI todobaadkan waxa ay ku dhawaaqeen Heshiis wada jir ah oo ay ku aqbaleen soo jeedin Madaxweynaha uga timi oo uu kaga dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya Guddida Doorashada ee cusub, iyagoo heshiiskooda ku cadeeyey in ay soo magacaabayaan xubnahaasi, waxaanay taasi muujinaysaa in ay diyaar u yihiin Doorasho wakhtigeeda qabsoonta iyo in la bedelo Guddidii hore oo muddo-xilleedkeedu dhamaanayo 29 bisha October.
Wakhtiga Doorashada ayaa markii u dambeeyey loo asteeyey 13 Bisha December ee sanadka 2019 oo ay 3 bilood oo qudha ka hadhsan tahay, inkasta oo la filayo in dhamaadka bishan September ay Golaha Guurtidu muddo-xileedka u kordhiyaan Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanada muddo aan ka badnayn sanad, ugu yaraanna 6 bilooda, si xal looga gaadho cabashooyinka jira iyo gol-daloollooyinka dhinaca sharciga ee in la gufeeyo u baahan.
guddida cusub iyo guddida shaqada ka tegaya
Guddida doorashada Somaliland iyagoo koox isku duuban ah waxa ay qabteen shaqo adag ka hor Doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2017-kii, waxaanay wakhtigoodii intiisii badnayd ku qaateen diyaarinta nidaam dhaxal-gal u noqda Doorashooyinka dalka.
Haddaba, marka la gaadho in la kala diro ama la bedelo Guddida, iyagoo ku guda jira xaal-xaalkii u dambeeyey ee shaqooyinkii badnaa ee ay qabteen, waxa la isweydiin karaa suurtogalnimada in xubnaha la bedelayo qaarkood la soo celiyo oo lagu daro guddida cusub, taasoo ah xaalad caadiya oo aanu jirin sharci dabrayaa, kuna xidhan doorashada (doonista) wadaageyaasha xulista Guddida, gaar ahaan Xisbiyada oo mar walba Akhtiyaar buuxa u leh qofka ay ka dhigayaan iyo heerka kalsoonida ay ku qabaan shakhsiyaadkii ugu jiray guddida hore, iyadoo arrinta soo celinta xubno hore ay tahay mid dhacday oo ay xisbiyada qaarkood laba jeer qof qudha u soo magacowdeen Guddiyo isbedelay.
Arrinta dib u soo celinta xubno kamida guddida hore, Inkasta oo ay dhici karto in xisbiyada ama Bulshada qaybteed u arki karaan talaabo aan munaasib ahayn, haddana marka dhinaca dhexdhexaadka ah laga istaago waa talaabo fiican oo faa’ido weyn u leh habsami-u-socodka howlaha Doorashooyinka xilligoodu dhow yihiin, sida kuwan Wakiillada iyo deegaannada ee ay iminka fooshoodu ruxayso Somaliland oo marka si mug leh loo qiimeeyo duruufo fara badan ku xeeran yihiin, kuna soo beegmaya wakhti ay cidiyo ku dagaalanka loollanka iyo damaca khiyaamadu sabab u noqon karaan buuq iyo shaqaaqooyin bulshada kala qaybiya, sidaasi darteed u baahan Guddi doorasho oo waayo-aragnimo iyo aqoon qoto dheer u leh hagida iyo hogaaminta doorasho xaalado noocaas ahi ku gedaaman yihiin.
Sidaa markay tahay, iyadoo lagu dabaqayo duruufaha aynu kor ku xusnay, waxa muuqata inay lagama maarmaan tahay ama ay noqonayso in guddida wakhtigoodu dhamaanayo ee shaqada ka tegaya xubno kamida lagu soo daro guddida cusub ee ay bilaabantay diyaarinta magacaabistoodu, kuwaasoo haddii ugu yaraan 2 kamida la soo celiyo xubnaha cusub ee ay dabcan isku kooxda noqonayaan ka caawinaya howlaha farsamo ee Doorashada oo ay uga khibrad badan yihiin kuwa cusub, xalinta caqabadaha soo waajahana iyagoo kaashanaya waayo-aragnimadooda si fudud uga gudbi kara.
Geesta kale, soo celinta xubno kamida guddida hore, marka dhinac kale laga eeggo, waxa wakhti xaadirkan daruuri ka dhigaya muhiimadda ay leedahay dhamaystirka qabyooyinka ka dhiman hannaanka cusub ee loo diyaariyey Doorashooyinka dalka, taasoo ay kamid tahay in dib loo bilaabo, isla markaana dib-u-habayn iyo dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo qalabka loo isticmaalayo iyo habka casriga ah ee loo sameeyey u baahan yihiin aqoon iyo wakhti ku filan oo ay ku bartaan qalabka iyo qaabka diwaan-gelinta oo qudha, waa haddii Guddida cusub dhamaantood laga dhigo xubno cusub, iyadoo haddii taasi dhacdo xagal-daac ku keenaysa geedi-socodka diyaarinta Doorashada iyo in howlaha qabyada ah lagu gabagabeeyo wakhtiga kooban ee ka hadhay codbixinta.
Guddida Doorashada iyo Haweenka
Haweenka Somaliland waxa ay isu diyaarinayaan ka qaybgalka Siyaasadda, gaar ahaan Goleyaasha Baarlamanka, waxaana sanadihii u dambeeyey isa soo tarayey dedaalka ay ugu jiraan arrintaasi.
Hase ahaatee, waxa ay isu arkaan in aanay gaadhi karin yoolkooda inta ay ka qaybgelayaan ciyaar aanay marka horeba siidhi-wadeyaasheeda kaalin weyn ku lahayn, taasoo ka dhigan in ay saluugsan yihiin tirada ku metesha Guddida Doorashooyinka.
sidaas awgeed, Waxa muhiim ah in la kordhiyo xubnaha Haweenka ah ee ku jira Guddida Doorashada oo ugu yaraan laba gabdhood la dhigo, taasi oo ka sekow dheeli-tirka loollanka Doorashada, wax badan ka taraysa hufnaanta shaqo ee guddida iyo xoojinta kalsoonida lagu qabo. waxaana xusid mudan in Gabadha qudha ee ku jirtay Guddidan shaqadu ka dhamaanaysa, ay ahayd xubin udub-dhexaad u ah howlihii ay qabteen wakhtigii ay joogeen, iyadoo sida aan ka soo xiganay dad badan oo xogogaal, Gabadhan magaceeda la yidhaahdo Kaltuun Sheikh Xasan ay hogaaminaysay qaar kamida howl-galadii ugu cuslaa ee barmaamujka Doorashada, sida qaybta wacyi-gelinta oo ay u qaabilsanayd Komishanka.
waayo wadaageyaasha xulista Guddida Doorashada?
Guddida Doorashada waxa soo xula Saddexda Xisbi Qaran oo mid waliba xubin keenno, Golaha Guurtida oo laba xubnooda iyo Madaxweynaha oo laba xubnooda, waxaana ugu dambeyn magacaaba Madaxweynaha oo digreeto ku soo saara, halka uu Golaha Wakiilladuna ansixiyo marka uu Madaxweynuhu u soo gudbiyo magacaabistooda.
Marka laga tago 4 xubnood ee Guurtida iyo Xisbiyadu soo xullaan, saddexda Madaxweynaha iyo xisbiga talada hayaa soo magacaabaan, waa ay ka muhiimsan yihiin afarta kale. waayo? Madaxweynaha masuuliyad ka culus dhinacyada kale, ayaa ka saaran qabsoomida Doorashada, sidaas darteed waxa ay taasi sii laba jibaaraysaa waajibka ka saaran buuxinta jagooyinka guddida ee uu gaarka u leeyahay, taasoo micnaheedu uu yahay in uu xusho ashkhaas faham waayo-aragnimo iyo aqoon u leh hogaaminta howsha Doorashada, iyada oo arrinka xilligan taagan ee ah cidhiidhiga wakhtiga iyo culayska dib-u-dhacyada Doorashadu ay Madaxweyne Muuse ku khasbayaan in aanu ku deg-degin dad cusub inuu 7 xubnood ee guddida u magacaabo, gaar ahaan saddexda xubnood ee uu keenayo.
Ugu dambeyn,guddida Doorashada ee cusub waa in saami muuqda laga siiyo Gobolada Bariga ee tabashada qaba iyo beelaha dhexda ee tirsanaya in xuquuq siyaasi ahi ka maqan tahay, qodobkaasoo masuuliyadiisa ay wada yeellanayaan dhinacyada mindida daabkeeda haya oo dhami.